Muuse Biixi oo qaaday tallaabadii ugu horaysay ee muddo-kordhinta uu ku xalaashanayay
Hargeysa 24 Aug, 2022 (QJ)- Madaxweynaha Somaliland ayaa maanta qaaday tallaabadii ugu horaysay ee uu ku doonayo muddo kordhin xukuumadiisa loo sameeyo iyadoo bilow u noqon doonta damaca muddo kordhinta oo miiska u saaran Muuse Biixi.
Muuse Biixi ayaa ku xiegenkiisa Saylici iyo xubno ka tirsan wasiiradiisa maanta faray in ay ka hadlaan xaaladda abaareed ee Somaliland oo ay ka dayriyaan sida ay wax u jiraan imika, iyagoo ku dhawaaqay gurmad dadka abaarauhu saameeyeen la gaadhsiiyo.
Dastuurka Somaliland waxa uu qorayaa in abaartu ay ka mid tahay xaaladaha keeni akra muddo kordhin maamulka jira loo sameeyo hadii abaarauhu ay keenaan musiibooyin ama dadku awoodi waayaan in xaalad doorasho la galo.
Dadka waxa falanqeeya ayaa aaminsan in Muuse Biixi tallaabadan u qaaday si uu Golaha Guurtida uga xalaashado muddo kordhin loo sameeyo maamulkiisa, maadaama uu ku fashilmay qabashada doorashada madaxtooyada uu ay inaga xigaan 2 bilood oo kaliya.
Weli Somaliland waxa ka taagan khialaf siyaasadeed oo ay u badan tahay in imika dhinacyadu xal gaadhaan maadaama sidii hore iskaga dhow yihiin lana filayo in gudida ganacsatada ee dhex dhexaadinta wadaa ku qnaciso go’aamada ay hayaan.