|

Muuse Biixi Oo Ka Muquurtay Munaasibaddii Xalay Madaxtooyadu Ugu Dabbaal-degaysay 26-ka June iyo Dareenada Ku Xeeran

Hargeysa:June,27,2014(SDN)-Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Mujaahid Muuse Biixi Cabdi ayaan Habeenkii Xalay ka soo xadirin Munaasibad Madaxtooyadu ugu dabbaal-degayso 54-Guurada ka soo wareegtay Maalintii Somaliland xorriyadeeda ka qaadatay Maxmiyaddii Ingiriiska.

muuse biiiixiMunaasibaddan oo sanad walba si taxane ah loo qaban jirey, ayaa Xalay ahayd mid ka duwan kuwii hore la yaqaanay,  waxana Madasha Buux-dhaafiyey Dad Madaxweynaha ay si weyn iskugu dhaw yihiin, iyadoo markii ugu horraysay Goobta laga waayey Madaxdii hore ee Dalka soo martay oo si joogto ah Loogu soo macsuumi jirey Munaasbidihii dhiggeeda ahaa ee hore u dhici jirey.

 

Guddoomiye Muuse Biixi ayaa isagu ka maqnaa munaasibadda, iyadoo aan la hubin inuu ku jirey dadka la casuumay iyo inaan cidiba xasuusanin, waxana sidoo kale aan Goobta ka muuqanin Guddoomiye Cirro oo isaga qudhiisu xaq u lahaa inuu Goobta yimaaddo, maadaama uu Haatan ku fadhiya Kursiga Labaad ee Dalka ugu mudan.

Sidoo kale munaasibaddan ayaa si weyn shakhsiyaadkii ka Hadlay oo wasiirro u badnaa ugu ammaaneen madaxweyne Siilaanyo iyo marwadiisa, kuwaas oo ku majeeranayey wax qabad iyo dedaal ay dalka u soo galeen muddadii ay qasriga ku soo sugnaayeen.

Ammaanka madaxweynaha iyo Marwadiisa, ayaa dadka shaashadaha ka daawanaya Badankooda Caajis gelisay, waxana si weyn loo Hadal hayey sababta Goobta looga waayey dadkii qaranka qiimaha ku lahaa, amaba dadkii Maalinta la xusayo Goob-joogga u ahaa waxyaabihii la soo maray iyo sidii xorriyadda looga qaatay maxmiyaddii ingiriiska ee xilligaas dalka haysatay.

Ammaanta Munaasibaddan inteeda badan waxa ay ka soo burqanaysay Barnaamij ay koox Fannaaniin ahi Halkaas ku soo bandhigtay, kaas oo ka  sheekaynayey waxqabadka Xukuumadda, isla-markaana ka madhnaa  ka hadalkii xorriyadda oo ah ujeeddada ugu weyn ee meesha la iskugu yimi.

Ka maqnaanshaha Guddoomiye Muuse Biixi ee Munaasibaddan ayaa muujinaysa inuu jiro khilaf cakiran oo wali dhexyaalla isaga iyo Madaxweyne Siilaanyo, kaas sida  muuqata aan ahayn mid si dhib yar lagu bogsiin karo.

Muuse Biixi  iyo Madaxweyne Siilaanyo, ayaa Toddobaad ka hor la heshiisiiyey, balse Laba cisho ka hor ayey haddana mar kale isku dhaceen, waxana taas ku jaahwareeray shacabka reer Somaliland oo khaati ka taagan muranka labadan mujaahid oo aan wali arrintooda xal waara loo helin.

Dadka qaar ayaa aaminsan inuu muuse Biixi munaasibadaas qaranka kaga maqnaa cadho uu qasriga madaxtooyada ka qaaday, halka kuwo kalena sheegayaan inaan cidiba soo casuumin oo laga reebay dadka Goobta lagu casuumay.

 

SDN/QJ-Hargeysa

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed