|

Muuse Biixi oo jaraya kharashka hay’ado badan oo dawli ah

Hargeysa. 27 December, 2022. (QJ)- Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Somaliland ayaa u sheegay hay’ado badan oo ah kuwa dawliga ah in sanadka soo socda ay is hdimi doonaan kharashaadka dawladda iyadoo hay’ado badan laga rabo in ay soo xareeyaan lacagaha dheeraadka ah ee ka baxsan kuwa shaqooyinka ku qoran.

Arintan ayay sabab u tahay miisaaniyadda sanadka 2023 oo malaayiin doollar laga jaray xukuumadda Muuse Biixi. Waxa ka mid ah kharashaadka kaydka, kharashaadka hawl socodsiinta, kharashaadka habeen dhaxa iyo meelo akle oo laga jaray lacag malaayiin doollar ah.

Qurbejoog ayaa ogaatay in lacag ku dhow $20 million oo ku dhici lahayd khasnadda madaxtooyada Somaliland ay xildhibaanada golaha wakiiladu u leexiyeen meelo kala duwan. Waxa ka mid ah adduun badan oo ay iyagu korodhsadeen, tusaale ahaan lacag dhan $1,500 oo dheeraad ayuu xildhibaan walba heli doonaa imika. Waxa sidoo kale ay lacagaha usii daayeen dawladaha hoose ee Somaliland iyadoo lacago badan laga jaray wasaaradda arimaha gudaha ee Somaliland.

Muuse Biixi ayaa doonaya in uua deegsado dhammaan kharashaadka kale ee macquulka ah in hay’adaha dawliga ah laga soo jaro, iaydoo uu aad uga cadhooday adduunka badan ee laga jaray.

Ka hor intii aanu saxeexein miisaaniyadda ayuu diiday in uu saxeexo iyadoo ay soo ejediyeen la taliyayashiisu in uu u gudbiyo Maxakmadda Sare, balse tirada badan ee ay ku ansixiyeen Golaha Wakiiladu oo ahayd saddex meelood laba 2/3 ayaa keentay in ay sideeda u qaataan.

Muuse Biixi wuxuu lacagtaas u adeegsan lahaa ololaha doorashada hadii aan laga jarin iyadoo tallaabadani weji gabax ku ah.

Comments are closed