|

Muuse Biixi oo Jabuuti u tegay meherka gabadh uu dhalay Ismaaciil Cumar Geele

Hargeysa. 7 December, 2022. (QJ)- Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Somaliland ayaa booqasho maalmo qaadanaysa ku tegay magaalada Jabuuti ee caasimadda dalka Jabuuti, halkaas oo uu kula kulmay madaxda dalkaas uguna horeeyo madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele.

Muuse Biixi ayaa ka qayb galaya berri meherka gabadh uu dhalay oo hore uu u qabi jiray wasiir xukuumadda Geele ka tirsan imikana uu u fadhiisan doono taliye Saadiq Joon oo imika ka tirsan baarlamanka Soomaaliya. Meherka waxa ka qayb gali doona madaxweynaha Jabuuti, amdaxweynaha Soomaaliya, Muuse Biixi, iyo amdax kale oo tiro badan.

Madaxtooyada Somaliland ayaa iyadu sheegtay in safar shaqo uu yahay waxaana war kasoo baxay loo dhigay sidan :

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo wefti uu hoggaaminayo ayaa safar shaqo oo maalmo kooban qaadan doona ugu baxay Dalka Jamhuuriyadda Jabuuti.
Waxaana Madaxweynaha Safarka ku wehelinaaya Wasiirka Arrimaha Dibeda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Dr. Ciise Keyd Maxamuud iyo Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha, Mudane Cabdirashiid Xaaji Ducaale Qambi.”
Dhanka kale, waxa la filayaa in Muuse uu la kulmo madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Comments are closed