Muuse Biixi oo iibiyay bada cas iyo khilaaf ka dhashay
Addis Ababa January 01, 2024 (QJ) -Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa heshiis isfgarad ah la saxeexday dawladda Itoobiya, kaas oo u ogolaanaya isticmaalka qayb ka mid ah xeebaha Badda Cas.
Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed iyo Madaxweyne Muuse Biixi ayaa heshiiska ku kala saxiixday magaalada Addis Ababa, sida ay sheegtay warbaahinta dowladda Itoobiya.
Itoobiya ayaa xaqiijisay ka miro dhalinta istaraatiijiyadeed ee mustaqbalka fog ee Badda Cas, dhawaan ayuu Ra’iisul Wasaare Abiy sheegay in tallaabadan looga gol leeyahay in lagu xaqiijiyo danaha Itoobiya.
Somaliland, iyaduna waxa heshiiska ka heeysaa maalgashi iyo aqoonsi ay mudo baaddigoobeysay, sida uu sheegay madaxweynaha muda dhaafka xilka ku jooga ee Somaliland/
Geesta kale, Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa berito oo Salaasa ah isugu yeedhay shir deg-deg ah, kaas oo lagaga arrinsanayey heshiiskii is-afgaradka ee dhexmaray Somaliland iyo Itoobiya.
Heshiiska Itoobiya iyo Somaliland ayaa imanata maalmo uun ka dib heshiis ay Somaliland iyo Somalia ku sexeexdeen dalka Jabuuti oo dib loogu bilaabayay wadahadal dhexmara labada dhan.
Heshiiskan waxa uu kor u qaaday welwelka Soomaalidu ka qabto sharciyada iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.