|

Muuse Biixi oo eedeeyay Dalka Turkiga

Berbera August 11, 2024(QJ)-Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, oo hadda ku sugan magaalada Berbera, ayaa wax aan macquul ahayn ku tilmaamay fikradda ah in dowladda Federaalka Soomaaliya ay dhaqengeliso heshiiskii Itoobiya iyo Somaliland.

Muuse Biixi ayaa dhaliilay soo jeedinta Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga Hakan Fidan, oo Jimcihii soo jeediyay in khilaafka u dhaxeeya Itoobiya iyo Soomaaliya lagu dhammeeyo in Itoobiya ay kala hadasho Soomalaiya arrimaha badda.

Waxa uu sheegay in aanay marnaba suurto gal ahayn in Somaliland laga xukumo Muqdisho, waxaanu yidhi “Waa wax aan xaqiiqo ahayn in Somaliland laga xukumo Xamar.

Kadib khilaaf ka dhashay heshiiskii dhinaca badda ee u dhaxeeyay Somaliland iyo Itoobiya, kaasoo ahaa qodob ay ku muransan yihiin Soomaaliya iyo Itoobiya 8-dii bilood ee u dambeeyay, ayaa Turkigu wuxuu soo jeediyay in Itoobiya la siiyo marin badeed ay Soomaaliya soo marto si loo xaliyo khilaafka.

Wasiirada arrimaha dibadda Itoobiya iyo Soomaaliya ayaa lagu wadaa in maanta oo Isniin ah ay wada hadal uga furmaan magaalada Ankara, iyadoo Turkiga uu dhexdhexaadinayo. Waxa la sugayaa natiijada ka soo baxda wada hadaladan.

Comments are closed