|

Muuse Biixi oo diiday dhammaan ergooyin kale oo u tegay

Hargeysa. 15 August, 2022 (QJ)- Madaxweynaha Somaliland ayaa ergo badani ay u tagtay saacadihii lasoo dhaafay iaydoo illaa shalay ay jireen dad shirara gaar gaar ah la qaadanayay, kuwaas oo rabay in uu bedelo mawqifkiisa madaxweynuhu.

Muuse Biixi ayaa diiday dhammaan ergooyti nka kala duwan ee u tegay isagoo ku adkaystay mawiqfyadiisii hore kuna dooday in uu sharci ku tagan yahay cidii dood ka qabtaana ay u tagto Maxkamadda Sare, waa sida uu hadalka u dhigaye.

Qurbejoog waxay ogaatay in xubanha u tegay ay ku jireen ganacsato, salaadiin iyo aqoonyahan kale oo ka madhnaa dhanka siaysadda, balse aanu amdaxweynuhu dheg u dhigin.

Siyaasiga Cali Guray oo ka mid ah dadka aqoonta wanaagsan u leh Muuse Biixi ayaa sheegay in Dgaal Sokeeye Somaliland ka curan doono marka la gaadho doorashad aururada oo Muuse Biixi rabo in uu si khasab ah u qabto. Cali ayaa shaaca ka qaaday in sanaaduuqda cod bixinta ay xabaddu ka dul dhici doonto kadib marka Muuse Biixi amro in ciidamadu qasab ku qabtaan doorashada.

Somaliland waxay wajahaysaa khatar amni oo wayn iyadoo hay’adaha caalamiga ah iyo kwua maxaliga ah ay arintan ka digayaan.

Comments are closed