|

Muuse Biixi oo damacsan in uu maxkamadeeyo madaxda xisibiyada mucaaridka

Hargeysa AUG 15,2022 (QJ) – Xukuumada Somaliland ayaa la sheegay in ay qorsheyneyso in ay maxkamadaha dalka ee dhankeeda u janjeera u adeegsato u adeegsato madaxda xisbiyada mucaaridka dalka, ka dib dibad baxyadii doorosho doonka ahaa ee ka dhacay dalka.

Mudaharaadyadii Khamiistii ina dhaaftay dalka ka dhacay ayaa waxa ku dhintay in kabadan todoba qof halka ay boqolaalkalena ku dhaawacmeen sida mucaaridku sheegeen.

Xukuumada oo markii hore sheegtay in ay fasaxday isu soo baxyada ayaa markii danbe ciidamada amar buuxa ku siisay in ay toogtaan dibedbaxyeyaasha.

Ilo wareedyo ka gaabsaday in magacooda la shaaciyo ayaa noo sheegay in madaxweyne Bihi dalbaday in maxkamada looga yeero madaxda sare ee xisibiyada dalka iyo xubnaha xildhibaanada mucaaridka ee ka tirsan gollaha Wakiilada.

 

 

Comments are closed