|

Muuse Biixi oo daadifeeyay doorashooyinka iyo ciidamada qaranka

Hargeysa October 14, 2023 (QJ) -Madaxweynaha xilka ka degaya ee Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa khudbad uu maanta ka jeediyey magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland kaga hadlay arrimo xasaasi ah oo ku saabsan colaadda Laascaanood, iyo xaaladda dimuqraadiyadda Somaliland.

Muuse Biixi ayaa si adag u dhaliilay SSC-KHAATUMO iyo maamul goboleedka Puntland oo uu ku tilmaamay inay yihiin kuwo cadow ku ah Somaliland. Waxa kale oo uu si cad u sheegay inaanay aqbali doonin wax shuruud ah oo dib u heshiisiin ah oo lagu diidan yahay qarannimada Somaliland, isla markaana ay tallaabo adag ka qaadi doonaan cid kasta oo daandaansi ka timaada.

Madaxweyne Biixi ayaa sidoo kale ku eedeeyay Puntland inay ku dhaqmayso qaab gardarro ah oo qabyaaladaysan, ayna doonayso dhul balaarsi. Madaxweynaha xilka ka degaya ayaa shaki ka muujiyay heshiiskii dhawaan lagu gaaray doorashada madaxtooyada, isagoo ku andacoonaya in nidaamka doorashada uu caqabado siyaasadeed iyo mid dhaqaale ku hayo Somaliland.

Waxa uu sheegay in Somaliland ay ku jirto dagaal iyo in qof kastaaba uu u guntado sidii uu dalka u difaaci lahaa. Isagoo ku eedeeyay dadka danaynaya doorashada qaar wada qabyaalad iyo kala qaybin shacab.

Muuse Biixi oo hadalkiisa sii wata ayaa bogaadiyay maleeshiyo beeleed cusub oo uu sheegay inay u abaabulan yihiin difaaca Somaliland waxaanu dafiray dedaallada ay sameeyeen ciidamada Somaliland.

Waa markii labaad oo Madaxweyne Muuse Biixi uu goob fagaare ah kasoo muuqdo tan iyo markii ciidamada Somaliland laga saaray magaalada Laascaanood 25-kii August ee sanadkan.

Comments are closed