|

Muuse Biixi oo ballanta kaga baxay xubno ka mid ah Beesha Caalamka

Hargeysa. 12 October, 2022. (QJ)- Madaxweynaha Somaliland ayaa u jaray balan uu la lahaa xubno ka mid ah Beesha Caalamka oo Hargeysa ku sugnaa, iyadoo amakaag ku noqotay xubnaha sababta ku kaliftay Muuse Biixi arintaa.

Biixi ayaa safiirka dawladda Finland ee Soomaaliya oo Hargeysa joogay meermeeriyay isagoo markii danbana la ballamay saacadda ku beegnayd bixitaanka safiirka oo Hargeysa ka duulayay goor duhur ah, 11:00 AM.

Arintan ayay dadka wax flanqeeyaa ku tilmaameen mid uu Muuse Biixi kaga gabanayo eedaha dul hoganaya iyo su’aalaha Beesha Caalamka oo raadinaysa sababta aanu u qabanahayn Doorashada Madaxtooyada oo uu muddo sanad ah ku faanayay in uu qabanayo doorashadaas.

Beesha Caalamku waxay muujisay sida ay ugasoo hor jeedo muddo kordhin aan heshiis lagu ahayn oo Somaliland ka dhacda, iyadoo sumcadda madaxweynaha ay dhaawacday in uu odhan jiray doorasho ayaan qabanayaa hadana uu muddo kordhin helay.

Mucaaradka Somalialnd ayaa iyagu dhankooda ku adkaysanaya in marka la gaadho 13 November, 2022 aanay u aqoonsanayn madaxweyne Muuse Biixi, iyadoo laga cabsi qabo waxa xigi kara.

Comments are closed