|

Muuse Biixi oo amray xariga Suldaan Cade-gude iyo Khilaaf arinkaa ka dhashay

Hargeysa April 27, 2023 (QJ) – Madaxweynaha mudo kororsiga xilka ku jooga Somaliland ayaa maanta la sheegay in uu aad uga carooday soodhaweyn magaalada Hargesa loogu sameeyay Guddoomiyaha Guddida Beelweynta Garxajis Suldaan Axmed Cismaan Cade-gude.

Muuse Biixi ayaa la sheegay in uu amar cidi ka hoosqaadi weyday ku bixiyay in la soo qabto Suldaan Cade-gude balse la waayay cid ku dhacda.

Muuse ayaa la sheegay in uu ka carooday khudbadii Suldaan Cade-gude ku duray maanta.

Sulddan Cadegude ayaa ku khudbadeeyay”madaxweynaha xilku ka dhamaaday waxaan leeyahay,Abidkayba meel lagu xintamo waanigii xigaye maxaa iga xumaan jiray haduu rag is xiniin taabto”.

Siina raaciyay “Hadey taladu Habar-jeclo gacanta ugu jiri laheyd Jannada ayey idin geyn lahaayeen. Laakiin taladii waxa ay gacanta u gashey Ehlu naar”.

Xog aanu helay ayaa tibaaxeysa in Saraakiisha amniga ee ay Muuse qaraabada yihiin ay arinka isku deyeen in la meel mariyo balse ku dhici waayeen.

Taliye ku-xigeenka RRUda Khadar Laangadhe ayaa la sheegay in uu amarka ula tagay Taliyaha ciidamada Booliska Somaliland Genaral Dabagale oo ugu jawaabay in aanu fulin kareyn balse faray in uu isagu fuliyo amrka madaxweynaha.

General Dabagale ayaa la soo weriyay in uu Khadar Laangadhe u cadeeyay in Boolisku aaney haatan awood u laheyn in ay si fudud u qabtaan Suldaanka oo beeshiisu kacsan tahay.

Ganeral Dabagale ayaa xusiisiyay Col. Laangadhe dil Hargeysa looga geystay sarkaalkii ay isku heybta ahaayeen ee Fisher.

Sirdoonka leexsaan ayaa la sheegay in haatan ay baadigoobayaan cid gacan ka siisa fulinta amarka Muuse ee aan ilaa haatan laga hoosqaadin.

 

 

 

Comments are closed