|

Muuse Biixi oo $2 million iyo Kulmiye ku wareejinaya Maxamed Kaahin

Hargeysa. 5 October, 2022. (QJ)- Madaxweynaha Somaliland ayaa adduun badan ku wareejiyay Wasiirka Arimaha Gudaha isagoo sidoo kale u dhiibaya furayaasha xisbiga talada dalka haya ee Kulmiye.

Muuse Biixi ayaa Maxamed Kaahin u fasaxay adduun dhan $2 million oo uu kharash ka dhigto, taas oo uu qawaday Kaahin balse uu ugu laab qaboojiyay Biixi in hordhac ay tahay iyo kharashka hawl socodsiinta xisbiga Kulmiye.

Dhanka kale, lacagtan ayaa hordhac u ah qorshaha Shirka Kulmiye ee xisbiga loogu wareejinayo Maxamed Kaahin, iyadoo dhawaan la filayo in shirka Kulmiye uu Hargeysa ka qabsoomo maadaama mudada loo kordhiyay Muuse Biixi.

Maxamed Kaahin wuxuu noqon doonaa Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye.

Comments are closed