Muuse Biixi iyo Ururadii uu diiwaangeliyey oo aan weli Aqbalin Natiijadii doorashooyinka
Hargeysa November 20, 2024(QJ) – Waxa ilaa iyo haatan aan aqbalin natiijadii doorashooyinka Somaliland ee shalay ay ku dhawaaqeen Guddida doorashooyinka Somaliland Muuse Biixi iyo ururadii uu dhawaanta diiwaan geliyay si uu ugu carqaladeeyo doorashooyinka Madaxtooyada.
Doorashadii dhacday November 13, 2024 ee uu ku guuleystay Musharax Cabdiraxmaan Ciro ayaawaxa dhamaan hanbalyeeyay dawlada deriska iyo kuwa caalamka ee sida dhow ula socday hanaanka doorashooyinka Somaliland.
Madaxweynaha Muda dhaafka xilka ku joogay mudada labada sano ah ee loo samrayay intaa isla markaana hore u balan qaaday in uu aqbalayo natiijada ayaan ilaa iyo haatan juuq laga maqal.
Sidoo kale warar ka agdhow madaxtooyada Somaliland ayaa sheegay in qaar ka mid ah la taliyeyaashiisu ku dhiiri geliyeen in aanu aqbalin natiijada.
Sidoo kale marka laga reebo guddoomiyas UCID iyo Faysal Cali ayaa ilaa iyo haatan noqday masuulka keliye ee hanbalyeeyay Madaxweynaha la doortay Cabdiraxmaan Cirro.
Sidoo kale Guddoomiyaha KAAH Maxamuud Xaashi oo isagu ururkiisu u soo guddbay xisbinimo ayaa isna hanbalyeeyay madaxweynaha cusub.
Ma cada in Muuse dhawaan isbedeli doono, balse waxa la sheegay in uu odeygu weli qaadan la’yahay in laga badiyay, uuna aaminay qaar ka mid la taliyeyaashiisa guracan.