|

Muuse Biixi iyo Gen. Taani oo ku kala dhaqaaqay arinka Laascaanood

Hargeysa January 25, 2023 (QJ) – Waxa cirka isku sii shareeray khilff u dhexeeyay Muuse Biixi iyo Nuux Ismaaciil Taani oo ka dhashay sida loo wejahayo xaalada Laascaanood

Taliye Taani ayaa warar ka agdhow noo xaqiijiyeen in uu dhegaha ka fureystay tiroba dhawr amar oo uu Muuse Biixi siiyay oo ku wejahnaa guluf lahu qaado Garaadada iyo mucaaridka isku urursaday Laascaanood.

Muuse iyo Maxamed Kaahin oo isku dhan ah ayaa qaba in xaalada Laascaanood ee faraha ka baxday aan loo ogolaan in Garaadadu halkaa tagaan iyo in dib loogu noqdo guddaha Laascaanood.

Taliye Taani iyo Sarkaal sare Mahad Canbaashe oo iyana isku dhan ah ayaa ka dhago adeygay amarada labada Kornel ee dagaal doonka ah.

Shalayna tii u dareyd ayaa dhacday ka dib kolii uu Gen. Taani uu sheegay in ciidamada Somaliland guddaha u soo gelbiyeen Garaadada Sool ee sida weyn u diidan una dhaliilay Muuse Biixi iyo xukuumadiisa muda xileedkeedu dhamaaday.

Ciidamada guddaha Laascaanood haatan ku sugan ayaa isugu jira Qaar ka goostay Canbaashe iyo qaar ka mid ah jabhadA SSC.

Ciidamada Jiida hore ku sugan ee Somaliland oo fulinaya amarka Taliye Taani ayaa ooda ka soo rogay Garaadada iyo ciidamada la socda ee gaaray Laascaanood.

Muuse ayaa arinkan u arkay mid lidi ku ah qorshihiisa iyo amaradii uu duldhigay in Laascaanood lagu wejeho.

Gen. Taani ayaa Muuse wejiga ka saaray in aaney jirin cid u diyaar ah fulinta amaradiisa guracan, isla markaana ay sababi karto in Hargeysa la isla soo galo oo dad badan oo kale oo careysani fursad u arkaan.

Musdanbeedka beesha Muuse oo uu hogaamiyo Guddoomiyaha Maxkamada Sare Aadan Xaaji Cali ayaa iyana la saftay Gan. Taani isla markaana qorsheyaasha iyo amarada Muuse u arka mid iyaga ay dhici karto in ay meesha ka saaraan.

Comments are closed