Muuqaal Sirtii Ka Dambaysay Weerarkii 11 September Iyo Wariye Yusru Fuuda – Q:2aad DAAWO
Hargaysa 24.October 2016 (SDN/QJ):-Waxay aheyd saacadda xiliga Emaaraatka (Dubai) 12:25 daqiiqo markii diyaarad siday Usaama Bin laadin ay soo caga dhigatay garoonka Caalamiga ah ee Dubai, diyaaradaasi oo doonaysay in halkaasi ay shidaal kasii qaadato. Laakiin waxaa la yaab noqotay!, nin lagu sheegay in madaxiisa la dul dhigay malaayiin adduun ah (Doller) si ula kac ah loo sii daayo isaga oo kusii socday waddanka Afgaanistaan.
Laakiin wariye yusri Fuuda oo dabagal dheeri ah ku sameeyay ayaa wuxuu ogaaday sidaasi oo kale in Maraykanka ay sidaasi oo kale ay fursado badan oo ay ku dilli kareyn Usaama ay soo martay, laakiin waxaa dilkaasi is hortaagay Xubno qeyb weyn ka cayaarayay Aqalka Cad iyo sirdoonka Maraykanka CIA-da.
Yusri waxa ay dharbaaxo xanuun baddan ku dhacday markii isaga oo jooga Qadar loo sheegay in raggii uu kula kulmay Pakistaan nin kamid ahaa la qabtay, ninkaasi oo magaciisu ahaa (Ramzi bin Shaybah) ninkaasi oo ururkii Al-Qaacida u qaabilsanaa fullintii howlaha lagu weeraray diyaaradaha dalkaasi Maraykanka (Twin Towrs), Yusri Fuuda oo cabsi xoogan gashay kolkii looga shakiyay in uu ninkaasi isaga shirqoolay.
Aan idin soo koobnee, Ragii weerarka fulin rabay ayaa soo gaaray dalkaasi Maraykanka, iyaga oo halkaasi u yimid in ay bartaan sida diyaaradaha loo hago, inkastoo carqalado iyo dhibaato jidgooyo ku noqotay ay kala kulmeyn barashadaasi, waxaase la yaab laheyd in raggii howshaasi wadday in aysan magacyadooda qarsan oo ay ku galeyn Maraykanka magacyadooda saxda ah.