Musuq Maasuq kasoo ifbaxay Wasaarada Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland
Hargeysa Oct 07,2012(SDNHubaal) – Wasaradda Dhalinyarada Ciyaraha iyo Dalxiiska ayaa waxa kasoo if baxay musuq maasuq baaxad leh oo ay ku lug leeyihiin Wasiirka Dhalinayarada iyo Ciyaraha iyo Agaasimihiisa Guud kasoo sabab u ahaa in uu wasiirku la dagaalamo xidhiidhada isla mar ahaantana falowgeed uu ugu jiro sidii uu u baabiin lahaa.
waxa fajac iyo amakaag ku noqday bulshada Caasimada iyo gaar ahaan khubarada ciyaaraha go’aan ay dhawaan kasoo baxay wasiirka wasarada dhalinyarada iyo ciyaraha Mudane Cali Siciid Raygal oo ku sheeganayo in uu kala diray xidhiidhadii ciyaraha isagoo kusababeeyay inaanayn aqoonsi caalami ah haysan, balse waxaa ayaan darro noqotay inaanu wasiirku ogayn in aan dhammaan dawlada Somaliland aqoonsi calami ah haysan oo taasi kaliya aanay ku koobnayn xidhiidhada oo aynu ogayn inay ay qaarkood kaqayb galeen tartamo caalami ah.
Hadaba waxa uu wargayska HUBAAL oo arrintaas muddaba daraasaynayay helay xog lagu kalsoonyahay oo cadaynaysa in ujeeddad ugu wayni ee xidhiidhada loo doonayo in la kala diro ama wasaarada la hoos keeno ay tahay Lacag ay hay’ada Mercy Corps soo marisay SONYO oo ahayd 25 kun oo Dollar taasoo ay wasaaraddu, sida aan xogta ku hayno lacagtan waxaa ku jiray qalab lasiinayay xidhiidhada si loo kabo, korna loogu qaado awoodooda si ay hawlahooda xidhiidh ufushadaan. Waxaanu helnay in hawsha lagu fuliyay 14,000. Halka 11,000 kun ee kale ay lunsadeen wasiirka wasarada iyo Agaasimaha guud Mustafe Mohamoud Qodax, islamar ahaantaana ay dhamaanba joojiyeen qalabkii lasiin lahaa xidhiidhada.
Ujeedada labaad ee kadanbaysay go’aankan ayaa ah in ay Wasaradu rabto musuq maasuq inay sameyso xiliga fooda inagu soo haya ee ciyaraha gobalada, iyada oo laseemeeyay gudi uu hogaaminayo Agasimaha Guud iyo shaqalaha wasarada iyada oo ay ka maqan yihiin Hawl wadeenada 2da xidhiidh ee Kubada Kolayga iyo Ciyaraha Fudud, kuwaas oo si wayn uga soo horjeestay go’aankii wasiirka ee ahaa in xidhiidhada lakala diro, taasi oo ay ku tilmaameen mid aan waafaqsanayn shuruucda caalimiga ah, dastuurka qaranka Somaliland iyo Xidhiidhada Calamiga ah sida FIBA iyo FIFA iyo waliba OLYPICADA Calamiga ah.
Samaynta guddi ay kamaqan yihiin inta badan xidhiidhada ayaa ah kii sanadkii hore lagu eedaynayay wasiirkii hore ee dhalinyarada iyo ciyaaraha inuu sameeyey musuqmaasuq iwm. Balse waxaa layaab leh in sanadkankana ay dhacday tallaabo lamid ah tii sanadkii hore oo kale iyadoo aan laga faa’idaysan casharkii laga bartay sanadkii hore Ciyaraha Gobolada.
Waxaa kale oo soo baxday in wasarada dhalinyarada Ciyarahu ee xuukumada Madaxwayne Siilanyo ay doonayaan inay baabiiyaan xidhiidhada oo loo soo doorto si madaxbanaan. Waxaana loo doortaa si waafaqsan shuruucda caalamiga ah, iyadoo ay doortaan madaxda kooxaha iyo gobolada.
Waxaa kale oo uu Wargayska HUBAAL helay in aanay wasaarada Dhalinyarada iyo Ciyaaruhu lahayn siyaasad cad oo ciyaaruhu leeyihiin (National Sports Policy), isla markaana ay doonayso inay baabiiso xidhiidhadii ciyaaraha ee sida madaxa banaan loo soo doortay, taasoo kasoo horjeeda heshiiskii caalamiga ahaa ee waddamada caalamku ku gaadheen wadanka Switzerland sanadkii 1978 kasoo si cad u qeexaya habka iyo qaab dhismeedka ay noqonayaan xidhiidhada iyo Olombikyada wadamadu yeelanayaan.
Waxay ahayd sanadkii 2008 markii uu madaxwaynihii hore JSL Daahir Rayaale Kaahin uu qudbadiisii dastuuriga ahayd ee l Golaha Barlamaanka uu ku xusay in uu sameeyey xidhiidho madax banaan, isla mar ahaantaana u diyaariyay agabkii ay ku hawl gali lahaayeen.
Balse waxaa nasiib darro ah in ay xukuumadani doonayso inay meeshaba kaba saarto hog madowna ku rido dhaqdhaqaaqyadii ciyaaraha eesida madaxa banaan ushaqayn jiray.
Xidhiidhada ayaan wali ka jawaabin musuq maasuqan iyo tallabadan ay wasaaradu ku mijo xaabinayso xidhiidhada ciyaraha ee sida madaxbanaan loo soo doorto.
Tallaabadan ayaa noqon doonta mid dhabar jab ku ah hammigii kor u qaadista ciyaaraha iyo khilaafkii ragaadiyay wasaarada dhalinyarada iyo ciyaraha oo sal u ahaa aqoon darada xubnaha kahawl gala wasarada dhalinyarada iyo ciyaraha iyo waliba musuq maasuq had iyo goor lagu eedayn jiray taasi oo aan ogalayn in ay xidhiidhadu talaabo hore uqaadaan.
SDN-Hargeysa
contact@somalidiasporanews.com