|

Musuq-maasuq hadheeyay Waaxda Garsoorka…Q.1aad

lllmHore ayaan wax uga qoray dhibaatooyinka ku habsaday hay’adaha ku shaqada leh cadaalada.Waxa ka mid ahaa maqaal cinwaankiisu ahaa (Cadaaladii Xuud baa liqay).Maantana waxaan soo bandhigi doonaa taxane ku saabsan dhibaatooyinka ka dhex aloosan waaxda garsoorka kuna salaysan baadhitaan dheer oo aan ku sameeyay qaabka dacwadaha loo qaado iyo musuqa baahsan ee xaqii muwaadinku ku curyaamay.

Madaxweyne Axmed-siiraanyo ayaa isku dayay inuu toosiyo,korna u qaado tayada waaxda garsoorka ee Somaliland balse waxba kamay suurta gelin oo waxa cadaaladii gacanta loo geliyay masuuliyiin baratay gacan qaloocda.Taas oo sababtay garsoor gurracan oo shacabku sida fiinta uga qayliyo.Hadaba himiladii madaxweynaha ee dhicisoobay waxa ka mid ahaa:

1.Maxkamadaha in laga hirgeliyo ku dhaqanka xeerarka kala duwan

   ee dalka u yaala.

2.Cadaalada iyo sinnaanshaha shuruucda in maxkamadaha laga

   Hirgeliyo.

3.Dacwadaha in la dedejiyo.

4.Ilaalinta Xuquuqda muwaadinka in la meel mariyo.

5.Garsoorayaashu inaanay laaluush qaadan.

Si arrimahaasi u fulaan waxa la sameeyay:

a)Gudida cadaalada.

b)Gudida daba-galka ee garsoorka.

c)Tababaro kor loogu qaadayo aqoonta garsoorayaasha.

d)Shir lagu jeexay jidadkii kor loogu qaadi lahaa ku dhaqanka

    cadaalada.

Hadaba hadiiba talaabooyinkan muuqda laga qaaday toosinta iyo wax ka qabadka cadaalada haddana dadweynahu aad u cabanayo waxa haboon in la taabto halka ay boogtu ku taal! Nin baa laga hayaa (Halkaan degay-ba maad garan waanay kaa shishaysaa!).Mid kalana waxa laga hayaa (Hashu halkay u dhimatay waad hareer martay).Hadii qofka boogi kaga taal madaxa ma baabacada ayaa laga daweeyaa.

La Soco….

Xuseen Xasan Badmaax

Hargeysa/JSL

4026100

Comments are closed