|

Musuq-maasuq hadheeyay waaxda garsoorka..Q.7aad

baaaaaaaDadwaynahu haduu cadaalad waayo,cabudhin iyo caga-juglayn lagula dhaqmo waxa ku xigaa waa kacdoon shacab.Xeerarka iyo shuruucda dalka u taala hadii garsoorku baal maro oo la dhawri waayo xuquuqda muwaadinka waxa ka dhasha dhagax-tuur u dhaqan ah shacab JSL.

Xeerar tiro badan ayaa la ansixiyay tan intii dalkani la soo noqday madax-banaanida.Qayb saamayn ku leh hab-socodka xisbiyada qaranka iyo kuwo saamayn ku leh xuquuqda muwaadinka.Balse qaarkood waxa maqal-kooda inoogu danbaysay maalintii media-yaha laga sheegay.Sida xeerka saxaafada iyo xeerka caruurta.Hadaan soo qaato labadaa xeer waxa is-waydiin mudan inaynu ogaano cida ka masuul ka ah fulin-tooda.Waaxda garsoorka ayaa xil ka saran-yahay fulinta iyo ku dhaqanka xeerarka caruurta iyo saxaafada balse maanta waxa shacabku ka markhaati kacayaa waaxda garsoorku inay god-madaw ku tuurtay xeerkii saxaafada oo ay adeegsato xeerka ciqaabta,hada waakii la qoray 1962 ee dalka Soomaaliya,bal ceebtaa eega.Sidoo kale waaxda garsoorku waxay caruurta u adeegsataa xeerka ciqaabta ee 1962.Waa ayaan darro innaga haysata cadaalada.Dhaqankan hoos u dhaca keenay waxa ka masuul ah maamulka sare ee waaxda garsoorka gaar ahaan gudoomiyaha maxkamada Sare,ahna gudoomiyaha maxkamada dastuurka ahna gudoomiyaha gudida cadaalada.Waar ma xukuumadii Afweyne ayaa dib u soo noolaatay!Sawtan shaqo la’aantu dalka hadhay-say.Waa maxay waxaas oo mansab ah ee Gud.Yusuf Ismaaciil lagula kufay!Hadaba waxa la yaab leh qaladaadkan Gud.Yusuf uu ku hayo cadaalada cidii kala hadli lahaa ilayn waa tanoo mansab-yadii loo dhaafi lahaa jeebka ugu jiraane.

Nin baa laga hayaa(Ragoow kibirka waa lagu kufaa ee kaa ha la ogaaddo).Mid kalana waxa laga hayaa(Maxaa iga galay nin geel badaneey ma gaajaan ka cabsanaya).

La Soco………………….

Xuseen Xasan Badmaax

Badmah100@hotmail.com

Hargeys/JSL

Comments are closed