|

Musuq-maasuq hadheeyay waaxda garsoorka..Q.6aad

lllmQormadan maanta waxa aan akhristayaasha ugu soo bandhigi doonaa awood sheegashada iyo amar ku taalaynta uu gudoomiyaha maxkamada Sare kula kacay garsoorayaasha jaamaciyiinta ah ee madaxweyne Axmed-siiraanyo ugu talo galay kobcinta waaxda garsoorka.

Musuq-maasuq gaamuray awgii ayaa garsooraha la jaan-qaadi waaya waxa loo raadiyaa sabab layskaga fogeeyo oo gobolada loo bedelo ama shaqada-ba lagaga eryo.Waxa la yaab leh garsoora-yaal

tiigsi-goodi yahay inay musuqa joojiyaan,kor u qaadaan tayada garsoorka si dadweynahu u helo cadaalad ayaa lagu daray liis 23 garsoore oo gudoomiyaha maxkamada Sare ku eryaayo,una gudbiyay gudida cadaalada ee uu gudoomiyaha ka yaha iyo wasaarada cadaalada.Talaabadaas oo ay wasaaradu hakisay ayaa hadana mar labaad liiskii laga soo reebay 9 garsoore oo ay ku jiraan garsoorayaasha ugu tayada sareeya waaxda garsoorka,sabab-na erigooda looga dhigay habsan!Asal-kaba garsooraha waxa ku waajib ah inuu dacwadahiisa kaga shaqeeyo xafiiskiisa,dacwadahana waqtigooda qaado si uu u soo afjaro.Garsoora-yaashu maaha shaqaale hoose ee waa in maamulka sare kulano kala duwan la yeeshaa,hadii qaladaad laf jab ah ay sameeyaan waa in la mariyaa xeer hoosaadka w/garsoorka ee anshaxa fudud balse hadii la eryo garsoora-yaasha ka biyo diida fulinta gacanta qaloocan(Laaluushka)iyo fulinta eexda dacwadaha waxa hubaal ah inay cadaalad-darradu sii kordhi doonto oo halkaa lagu gawraci doono xuquuqda muwaadinka.Sida aan ka ogaaday w.garsoorka xeer hoosaad-kooda anshaxa kuma jiraan qodobo ka hadlaya talaabada laga qaadayo garsooraha shaqada ka habsaama.Markay sidaa tahay saw maaha inuu gudoomiyaha maxkamada Sare xaq darro iyo awood sheegasho ku eryaayo garsoorayaasha uu sabab uga dhigay habsan! Gudida cadaaladu se xagay kala soo baxday xeerka ay fulinayso eriga uu dabada ka riixaayo gudoomiyaha maxkamada Sare!

Akhristayaal,talaabooyinkaa amar ku taalayntii miyay ka tarjumi karaan cadaaladii dadweynahu u haraadanaa ee laga filaayay W/garsoorka? Waa maxay se talaabada laga filayo Madaxweyne Axmed-siiraanyo iyo wasiirka cadaaladu inay ka qaadaan falkan foosha xun?

La Soco…………….

Xuseen Xasan Badmaax

Badmah100@hotmail.com

4026100

Hargeysa/JSL

Comments are closed