Musuq-maasuq hadheeyay waaxda garsoorka..Q.4aad
Cadaalad hadii la waayo waxa burbura kalsoonida shacabka,waxaana ka dhasha kacdoon dadweyne.Maanta heerka cadaalad darrada ka socota waaxda garsoorka keli kuma aha shacabka ee xataa gudaha waaxda garsoorka ayay saamayn qaran ku yeelatay.
Maamul xumada masuuliyiinta waaxda garsoorka ayaa waxa hooy u noqday aduun korodhsi,waxaana meesha ka baxday kala danbayntii iyo kala madaxbanaanida garsoorayaasha iyo masuuliyiinta.Maamul wanaaga waaxda garsoorku waxa uu inna farayaa:
1.Gudoomayaha maxkamada Sare inuu lahaado dulqaadka xilka uu
Qaranka u hayo.
2.Xidhiidhkiisa maamul waa inuu miisaanka sinnaan-shaha yeeshaa.
3.Kulan todobaadle ah waa inuu la yeeshaa garsoorayaasha,si
Laysu waydiiyo dhibaatooyinka ka dhex jira garsoorka,laguna
Laguna toosinaya wax-yaabaha hoos u dhigaya cadaalada.
4.Xeer hoosaadka anshaxa waaxda garsoorka in lagu dhaqmo,
garsooraha gudan waaya hawl u taala ama maqnaada ama
habsan-kiisu bato la mariyo xeerka anashaxa fudud ee waaxda
garsoorka.
Maanta waxa xaqiiqa ah talaabooyin-kaasi inaan lagaga dhaqmin waaxda garsoorka oo ay meesha ka baxday kor u qaadidii cadaaladu.
Arrimahan aan ka hadlayaa ee curyaamiyay cadaalada waxay saamayn ku yeelatay xaq-soorka eedeeyaha ama eedaysanaha.
Ninbaa markuu indha-beelay Bakayle ayaa ugu arag danbeeyay,dabeeto marka wax loo sheegaba waxa laga hayaa(Ma leeg-yahay Bakayle)Marxuum M.Mooge isna waxa laga hayaa(Adoo dayr adag dhistaa ilaahay kaa dunshaa).
La Soco………..
Xuseen Xasan Badmaax
4026100
Hargeysa/JSL