Mustaqbalkaygu waa ka’aaga, maxay doonaysaa siyaasada togani, maxaay diidaysaa siyaasada tabani??
Markaad si caafimad ku jiro aad u qaadato siyaasada qaybsan ee nidaamka axsaabta badan, hadii hal laga reebo waxaa kuu soo baxaysa ,dad siyaasada ku qaybsan laakiin isku ujeedo ah ,balse taasna cadawgeedu noqon karo cudurkan dawadiisu bilaaashka tahay oo aad ku dhex dabaqdo ama aad miisanka saarto.
Tolow Kulmiye iyo Udub ma isku oday iyo habar ayey ahayeen, UCID na bah gaara,
Markaad eegto dhaqamada sadexda xisbi waxaad dareemaysa inay laba ka mid ahi iska Matalan wax badan halka ,mid ka mid ahi uu ka dhaqan duwana ilaa hadana ku qayliyo si isku mida waxaay sameeyaan,
Anigoon ka mid ahayn xisbiga Ucid hadana waxaan saaka ku amanayaa siyaasada daljirnimada ah ee ilaa bilaw ilaa dhamaad ay umada wakiilka uga ahaayeen , waxaad maanta oo kale kuu muuqata,in kulmiye uu qaaday dariiqi ay ku guuldaraysatay UDUB ,misna talada kumuu darin guushu halkay taalo.
waxaay taala hadaan su’aashaas ka jaawabo guriga ninka miskiinka ah,!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!
Khiyaamadu ma dhaxdee way socota laakiin ,hadhka hoossiska ah ayey subax walba meel iska tusta, waxaa ka dhigan kulmiye oo khimaadii qaranka uu ka galay dildilaacedi ilaa bari ilaa galbeed ay samaysay ayaa nin waloo arintaas wax kaga jiray shaadhkiisa bahal laba af leh ugu galay,
Waxaa tusaale kugu filaan markaad si waaqiciyaa aad ugu fiirsato ,maanta waxaad shaki la’aan ku hor imanaya sida muraayada in uu kumiye hayo dariiiqi UDUB,
Waayo hogaamiyayaashi kulmiye waxaay isku haystaa shidhkii gaadhiga, laakiin waxaay ilaabeen gaadhiga rakaab ma saaran yahay,
Waxaa intaas ku dheer masiirkii umada ee aynu ku aminay siday albaabadu maalinba maalinta ka danbaysa u soo odmayaan, hadaad ka eegto dhawr meelod sida,
v Siyaada arimaha dibada oo aad moodo inay Somalilandnimadii ka dhigtay, beerkii hilibka lagu sugaayey,
v Siyaasadii arimaha gudaha oo aad arkayso inay cadaw ku noqotay, shacabka iyo habsami socodkii xukumadii tan ka horeeyay,
v Xukumadan hada jirta oo nidaamkii dawladnimo ku soo ururisay hal hayad oo kaliya oo ah ,hayada fulinta ama xukumada ,golihii barlamaantakana u badashay saylad laga soo naqaysto ,wasiirada iyo agaasimayaasha, si wax waliba iyada ugu suuro galan ,qalad iyo saxba
v Sharciga Somaliland oo aan ahayn mid u adeega ,bulshada ee ah mid u adeega ,rabitaanka xukumada hada jirta ,
Markaan isku eego KULMIYE &UDUB tolow ma isku oday iyo habar ayey ahayeen , laakiin xisbiga UCID ma bah gaara ayuu ahaa,
DANBIGU MA INOO DHEXBAA?
ü Haa danbigu waa inoo dhex, waayo somalidu iyada kolkolisa kaligii taliyaha ,kuna taageerta qabyaalad iyo danaysi gaara,
ü Marlabaad danbigu waa inoo dhexo,ma is waydiino mana qorno waxiii dhacay ,mana xisaabino waxii jira,
ü Ayaan darada kale ee ina nafaysay waxaay tahay ,waxaaynu samaynaa subax walba ama soo saarna hubka ,hogaamiya xun oo ah (qabyaalada),
TALO BIXIN
- Distoorka ha lagu badalo ,diintii ilaahay inoo soo dajiyey
- Beenta ha lagu badalo ,runtii ALLE amaanay,
- In hebelbaa ii dana ha lagu badalo ,waxaasa ii dana
- Qabyaalada ha lagu badalo ,intaas ayaanu isku argti nahay ama isku deegan nahay,
Waxaan hadalkayga ku soo gunaanadayaa ,( salaamu laah calaa xujaaj)