Muslimiinta Kenya Oo Farriin Dagaal Ka Helay Kooxda Al-shabaab
Mombassa:June,18,2014(SDN/QJ)-Kooxaha Islaamiyiinta Somalia Dagaalka ka Wadda ee Al-shabaab, ayaa Baaq La yaab leh u diray Muslimiinta ku dhaqan Dalka Kenya oo ay Haatan ka socdaan Qulqulatooyin Lagu laynayo Dad shacab ah.
Ururku waxa uu ugu Baaqay Dhammaan Dadka Muslimiinta ah ee Kenya ku dhaqan inay Hubka qaataan oo ay iska dhiciyaan Colaadda iyo dagaalka ay ku waddo Dawladda dalka Kenya sida ay Hadalka u dhigeen,
“Waxaan rabaa halkan inaan uga dirno baaq dadka Muslimiinta ah, guud ahaan, gaar ahaan kuwa ku dhaqan dhulka haddeer Kenya loo yaqaano. Waxaan leenahay dadka Muslimiinta ah waad u jeedaan dagaalka maanta soconaaya adduunyada oo dhan gees ka gees, bari iyo galbeed inta u dhaxeyso waxa uu u dhaxeeyaa maantay waa Muslim iyo Gaal. Qolo maanta dhexda taagan ma jirto, amaa qof gala safka Gaalada iyo qof gala safka Muslimiinta labadaas ayaa loo dhaxeeyaa.” ayuu yidhi Sheekh C/casiis Abuu Muscab.
Cabdicasiis Muscab oo Hadalkiisa sii Wata, ayaa yidhi,
“Mar haddii Ilaahay uu sida Waaqici ka dhigay oo la dagaalamaayo Muslim iyo Gaalba, waxaa laga rabaa dadka Muslimiinta, gaar ahaan Kenya ku dhaqan inaad qalabka qaadataan, inaad dagaalantaan, inaad duliga iska dulqaadaan. Waad aragtaan hortiinii baa lagu gow-gowracayaa Culimadiinii, hortiinii baa gabdhihiinii lagu kufsanayaa, hortiinii baa waxaa weeye hantidiinii lagu qaadanayaa, wax walba oo dad lagu sameeyo waala idinku sameeyay.”
Hadalkan Cabdicasiis Muscab ayaa waxa uu ku soo Beegmayaa xilli uu meel xaasaasi ah marayo Dagaalka u dhexeeya Dawladda Kenya iyo Kooda Al-shabaab oo iyagu inta Badan khasaarayaal kala duwan Gaadhsiiya Shacab iyo Ciidan ka tirsan kuwa Kenya.
SDN/QJ