Muslimiinta Adis Ababa iyo ciidamada Amaanka oo isku dhacay
Adis Ababa July 23,2012(SDN)-Ciidamada amaanka ee dawlada Itoobiya iyo qaar ka mida Muslimiinta dalkaas ayaa isku dhacay mar dibedbax balaaran ay Muslimiintu ku sameeyeen caasimada dalkaasi.
Muslimiinta ayaa ka cabanayay in dawladoodu ay haatan ku adeeganeyso madhab dalkaa ku cusub oo la yidhaahdo Al Ahbash.
Muslimiinta Itoobiya ayaa shaki ka qaba madhabtan ay dabada ka riixeyso dawlada Itoobiya iyo dalal kale oo Mareykanku ka mid yahay.
Muslimiinta Adis Ababa ayaa mudooyinkan danbe qabanayay isu soo baxyo ay ku muujinayaan sida ay ugasoo horjeedaan madhabtan cusub.
Ciidamada amaanka ayaa masaajidka Anwar ka hor qabqabtay dad dibed baxayay oo ay ku jiraan guddidii qaban qaabisay isu soo baxa.
Dawlada Itoobiya ayaa dafirtay in ay dabada ka riixeyso Al Ahbash,balse ay ka goan tahay in aaney u ogolaan in kooxaha xagjiriinta ahi ay uga soo gudbaan dalalka jaarka ee Soomaaliyana ay ku jirto.
SDN-Adis Ababa
contact@somalidiasporanews.com