|

Musiibo Soomaaliya ka dhacda oo laga digayo

Muqdisho. 19 October, 2022. (QJ)- Hal qof oo ilmo yar ah ayaa daqiiqad kasta la seexiyaa isbitaallada daawaynta nafaqo-darrada Soomaaliya, halkaas oo abaar ba’an ay khatar ku tahay inay sababto dhimashada carruurta heerka dhimashadooda aan la arkin nus qarni, sida uu sheegay afhayeen u hadlay hay’adda UNICEF Salaasadii shalay.

James Elder oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Geneva ayaa sheegay in xaaladda Soomaaliya ay haatan u muuqato mid kasii liidata sidii ay ahayd sanadkii 2011-kii, markaas oo ay macluul u dhinteen inka badan 250,000 oo qof.

Afhayeenka UNICEF ayaa sheegay in Soomaaliya ay qarka u saaran tahay musiibo aan la arag, isagoo ku baaqay in gurmad deg deg ah oo dhinacyo kala duwan leh lala gaadho.

Comments are closed