|

mushkiladaha maanta iyo silsilada miimley

maansadan waxa la yidhaa (maati dulman ) waxaanan ku cabirayaa ku dhawaaqistii foosha xumayd ee jaamacada hargeisa ku dhaqaaqday lacag kordhin . waana silsilad uu abwaan kastaa ka soo dhiiban karo fikirkiisa silsiladan waxa la yidhaa ( miimley ) waxaanay u gar naqaysaa shicibka iyo dawlda iydoon midna taageero gaar siinayn. waana tan

 

marka hore salaan guud

hadraawoow salaan gaar

marka xiga nin magacloo

murtida aabaheedoo

maankii dalkaygoo

markiskii aqoontoo

maskax lagu hubaa tahay

ana ruux mar iyo laba

maatida u doodoo

miciinkoodiibaan ahay

maqlay maanso siinley

maqlay maanso deeley

maantana mushkiladuhu

miimlay ha keenaan

 

waxaan maanata maansada

miimka uga bilaabeen

magacaaga ugu ladhay

maankii dalkaad tahay

waxa jira mushkiladiyo

musuqmaasuq diineed

waxa jira mushahar qoran

meel mari la daba galin

waxa jira is miinayn

Aan la odhan maxaa dhici !

Ardayda iyo maatida

ma in loo miciinaa

mise waa in lagu xidho

xaq waxay mutaysteen

bal la kaasho maankoo

hadraawoow bal misaan

mushkilad koobi maayee

midaan uga gol leeyahay

 

waa madaxda qaarkood

oo mushkilad abuuroo

muquuniyay aqoontii

jaamacada qarankana

mansabkay lahaydiyo

muuqii aqoontaba

u min guurshay sayladoo !

markuu waa dilaacaba

baayacaaya maatida

oo leh keen mushahar kale

Ardaydoo midaysani

mid mid waxay u bixiyaan

malaayiino doolaar

mana jiro wax maan gala

oo maanta maatida

lagu saaro miisaan

 

maati weeyi shicibkuye

maanta yaan la gaagixin

mustaqbal bay sugaayaan

ee yaan laa garab marin

 

mida kale hadraawoow

nin maraykan soo maray

maba oga dalkeeniyo

dhibta maatideenee

maxaa loo galbinayaa

maamul loogu dhibaa ?

 

ma xusuusataa waa

lagu madhiyay shicibkoo

dhagaxtuur miciinkii

maatidu sameeyeen

 

duruustii la soo maray

hadii aan la milicsanin

mar labaad ka filo balo

kuna mahadi shaydaan

ka nasahan macbuudkeen.

miimka iyo maansadu

maankayga weeyee

murtidaada soo daa.

 

 

 

 mustafe maxamuud sh. muxumed [abwaanka]

mail:muxumed016@outlook.com

Comments are closed