Musharaxiinta ku tartameysa xilka Madaxweynenimada Mareykanka oo Barbaro ah iyo codka Soomaalida oo kala saari doona
Columbus Oct 30,2012(SDN)-Tartanka Aqalka Cad ee Mareykanka ee sanadkan 2012ka ee ay ku herdamayaan labada Musharax ee xisbiyada Dimuqraadiga iyo Jamhuuriga ee Barack Obama iyo Mitt Romney ayaa u muuqda mid labada musharax ay ilaa iyo haatan heleen isku taageero.
Mid ka mida gobolada dalka Mareykanka ee si weyni uu uga socdo loolanka doorashada madaxtinimada Mareykanka waa Ohio,ka dib kolkii gobolada badankood ay muuqato cida codadka ugu badan ka heleysa.
Sida uu dhawaan qoraal ka diyaariyay Jibril Maxamed oo duruus ka bixiya Jaamacada Ohio ee dalka Mareykanka.
“Gobolka Ohio qudhiisa ayaa codadku ay aad ugu kala qeybsan yihiin Madaxweyne Obama iyo Mitt Romney,waana halka codka lagu kala baxayo laga bixin doono”ayuu yiri Jibril.
Ohio qudheeda ayaan dhan u wada rideyn codka sida Baruhu noo sheegay balse halka lagu kala baxayo ee dhabta ah ayaa ah magaalada Columbus oo ay ku nool yihiin 18 kun oo Soomaali ah oo sharci ay ku codeeyaan leh,sida Jibril Maxamed uu ku xusay qoraalkiisa.
In badan oo ka mida Soomaalida Ohio ayaa codkooda dhiibatay ka hor maalinta kama danbeysta ah ee November 06,balse qaar kale ayaa lagu wadaa in ay dhawaan codeeyaan.
“Madaxweyne Obama ayaa u muuqda in uu helay tirada codadka u bada ee ilaa haatan la dhiibtay,sadexdii ruuxna laba ayuu helay”ayuu yiri Jibril Maxamed.
Soomaalida Mareykanka ku dhaqan ayaa hami weyn u qaba bal in ay mar uun codkooda ku doortaan cid ay iyagu doonayaan,isla markaana xuquuqdan cusub bal eegaan sida noloshooda ay wax uga bedesho.
La soco Qeybaha danbe oo Qoraalka Jibril uu ku eegay sida xisbiyadu xaqiiqda ka jirta Ohio iyo Soomaalida u wejeheen.
SDN-Columbus
contact@somalidiasporanews.com