|

Musharaxa xisbiga UCID, Mudane Jamal Cali Xuseen iyo Xoghaya guud ee xisbiga Ucid, Mudane Axmed Kayse oo loogu soo dhaweeyay Minnesota, USA si heer qaran ah.

Minnesota26 Feb13 (qurbejoog) Musharaxa xisbiga UCID, Mudane Jamal Cali Xuseen iyo Xoghaya guud ee xisbiga Ucid, Mudane Axmed Kayse oo loogu soo dhaweeyay Minnesota, USA si heer qaran ah.
Waxa maalintii sabtidii ee ay taariikhdu ahayd 23kii February ka dhacay huteelka weyn ee Ramada Plaza Hotel ee kuyaala magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota xaflad aad loooga soo shaqeeyay oo lagu soo dhawaynayay Musharaxa xisbiga UCID, Mudane Jamal Cali Xuseen iyo Xoghaya guud ee xisbiga Ucid, Mudane Axmed Kayse. Xafladaas oo aad looga soo shaqeeyay, run ahaantiina noqotay mid aan hore nooceeda oo kale loogu arag Soomallida Minnesota, gaar ahaan jaaliyadda Somaliland. Waa markii ugu horaysay ee ay si toos ah uga soo qayb galaan xaflad reer Somaliland ah madaxda ugu saraysa ee gobolka iyo kuwo heer qaran ahba.
Anaga oo aan soo koobi Karin madaxda kasoo qaybgashay kulankan soo dhawaynta ah waxaa ka mid ahaa saraakiisha ay ka midka yihiin: Senator Dan Hall, Senator Roger Chamberlain, Congresswoman Cindy Pugh, former Congressman Dan Severson, GOP-RNC Committeewoman Janet Beihoffer and John Helmberger from the Minnesota Family Council. Dhamaanba madaxdaas oo madasha ka hadashay ayaa iska daba maray in ay aad iyo aad ula dhacsan yihiin musharaxnimada Mudane Jamal Cali Xuseen, isla markaana ay 100% taageeridoonaan in uu ku guulaysto jagada madaxweyne nimada , maadaama oo uu yahay aqoonyahan sita dhalashada Maraykanka.
Sanator Dan Hall ayaa waxa uu sheegay in ay danta maraykanku ku jirto in la taageero qof dawladda maraykanku ku aamini karto danaheeda diblomaasiyadeed, siyaasadeed iyo nabadgelyaba. Waxa kale oo uu aad u taageeray raadinta ay Somaliland raadinayso madaxbanaani gaar ah. Waxa uu yidhi mudanahu “ Waxa ay Somaliland ku jirtaa meeshii uu Maraykanku ku jiray boqolaal sano kahor, markii uu xoriyaddiisa ka raadinayay boqortooyadii Ingiriiska”. Waxa kale oo ay dhamaanba mudanayaashanu iska daba mareen in raadinta aqoonsiga gooni isu taaga Somaliland uu u yaalo dadweynaha reer Somaliland, laakiin iyagu, gaar ahaan madaxda goobtaa joogtay ay 100% taageeri doonaan, isla markaana ay ka dhaadhicindoonaan dawladda Maraykanka in ay dantu ugu jirto in ay aqoonsadaan dal muujiyay dimuqraadiyad, isla markaana ku can baxay nabadgelyo taam ah, imikana uu jagada ugu saraysa uga sharaxan yahay muwaadin reer Maraykan ahi, waa sida ay u dhigeene.
Waxa kale oo iyaduna halkaas ka hadashay aqoonyahanad reer Somaliland ah, Marwo Nimco Cusmaan Axmed, RN, BSc, PHN, oo sheegtay in la taagan yahay xiligii ay dadka reer Somaliland ka kici lahaayeen fadhiga ee ay wakhtigooda, maalkooda iyo aqoontoodaba ugu tabaruci lahaayeen aqoonsi raadinta mudada badan lagu daba jiray, hase ahaatee lamoodo in ay hadda marayso marxaladdii ugu adkayd. Waxa ay Marwo Nimco sheegtay in aan wax badan laga sugin dawladda Somaliland ee ay ku haboon tahay in wadani kasta oo reer Somaliland ahi, gaar ahaan qurbojoogu ay fadhiga ka kacaan oo dagaalka aqoonsi raadinta dhinacooda ka galaan. Waxa ay tidhi: Walaahi in aan dalkeenii iyo dadkeenii ina saamaxayn inta aynu ka hagranayno wax aan gacanteena ku qabsan karno oo ah in aan albaab walba garaacno. Ugu danbayntii waxa ay u mahad naqday madaxda sharafta leh ee reer Maraykan, gaar ahaax xisbiga jamhuuriga (Republican party) ee sida hagrasho la’aanta ah ula soo dhaweeyay aqoon yahan Jamal Cali Xuseen iyo Xaghaye Axmed Kayse. Marwo Nimco waxa ay ka mid ahayd shaqsiyaadkii ka dambeeyay in ay madaxdaasi reer Maraykan kasoo qayb galaan xafladan.
Waa markii ugu horaysay ee ay kasoo qayb galaan xaflad ay dhigteen bulshada reer Somaliland ee Minnesota madax intaas le’eg, dhamaantoodna isku raacay in gooni isu taaga Soomaaliland uu yahay wax dan u ah nabadgelyada dalkan Maraykanka. Waxa kale oo iyaguna halkaas ka hadlay aqoon yahano kasoo jeeda dalka Somaliya oo uu ugu horeeyo aqoonyahay Hashi Cabdi (Saafi), oo isagu sheeyay in Somaliland ay xaq u leedahay in ay ka tashato danaheeda gaarka ah, isla markaana aan lagu qasbi Karin wax aysan dadweynahoodu rabin.
Waxa madashaas kasoo qayb galay dad aad u tiro badan oo isagu jiray aqoonyahano, siyaasiyiin, culimo awdiin, fanaaniin, iwm. Waxa si gaar ah marti sharaf u ahaa 20 aqoonyahan oo kasoo jeeda dalkan walaalaheen ah ee Somaliya, iyo tiro intaas kudhaw oo kasoo jeeda dalka DJibouiti.
Farxiya Khaalid, Minneapolis, MN

Comments are closed