|

Musharaxa xilka Madaxweyene Ku-Xigeen ee UCID oo qaadacay Gollaha Wada Tashiga iyo Toosinta Qaranka

Hargeysa July 13,2013(SDN)-Musharaxa xilka Madaxweyne ku-xigeen ee xisbiga mucaaridka ah ee UCID ayaa war uu maanta soo saaray ku qaadacay in xisbiga UCID abaabulo Gollaha Wada Tashiga iyo Toosinta Qaranka ee dhawaan Hargeysa looga Dhawaaqay.

Md Cabdirashiid Xasan Mataan ayaa qoraalka uu ku qaadacay Gollaha Wada Tashiga oo dhameystirani sidan u qoraa:
. Iyada oo dhibta iyo dhaliisha ay sheegeen odayaashu ay jirto waxa ka sii dhaliil badan ama qalad wayn ah in la abuuro sharci la’aan iyo isbarbaryaac.

Anu waxan qabaa in Golaha Wada Tashigu yahay  arrin dib u dhac ku keenaysa horumarkii aynu ka gaadhnay dimuqraadiyadda iyo nidaamka aynu samaysanay ee soo dhismayey 22 sano waayo in la abuuro gole iyo awood aan ku jirin awoodaha sharciga inoogu dhigan waa praral authority mana shaqayn karo mana noqon karo wax meel mara ee wuxu ina dhaxal siin iska hor-imaad.

Nindaamka iyo xukuumadda dalka ka jirta maanta oo ah tii ugu liitay, sidii loo baddeli lahaa in loo maro sifo aan sharci ahayn waa mid inagu keeni karta in ay inaga burburaan wixii aynu samaysanay.

Dalku wuxu leeyahay baarlamaan ka kooban beelo iyo gobolo, shaqsiyaad gaara wax kama maqna ee ummada iyo shacabka oo dhan ayay ka maqan yihiin, waxaynu u baahanahay in laga shaqeeyo xubnaha labada gole ee guurtida iyo baarlamaanka, haddii ay ka waantoobi waayaan is indho tirka ay iska indho tirayaan la xisaabtanka xukuumadda, waxaa lagama maarmaan noqno in shacabku  isa soo hortaagi guriga baarlamaanka iyo ka guurtidaba.

UCID waa xisbi qaran oo u taagan in ay noqoto xisbigii talada dalka la wareegi lahaa una horseedi laha ummadda nidaam ka wanaagsan kan  Kulmiye, mana habboona in aynu hormood ka noqono ama taageerno gole aan waafaqsanayn sharuucda dalka.  Tusaale kooban, Maxkamaddii Hubaal lagu riday, warsaxaafadeedkii uu Musharax Jamaal ka sii daayay markii xukunku dhacay wuxu keenay in Hubaal laga sii dayo Jeelkii 24 saacadood gudahood, wuxu ku hanjabayna waxay ahayd shacabkaanu talada la wadaagi, shacabka ayaynu si sharciya u matalnaa hadii aan nahay UCID mana haboona in ay taasi inaga qaldanto.

Ugu dambayn waxan ka digayaa in aynu nidaamkii dimuqraadiga ahaa ee doorosho ku yimi aanu inaga noqon mid aynu suuqa ka beddelo –  Uma baahnin is qabsi ee waxaan u baahanahay nidaam iyo maamul leh kala dambayn iyo in si nabada wax loo saxo.

Allaa mahadleh.
C/Rashid Xasan Mataan

Comments are closed