Musharaxa abaal marinta nabada ee NOBEL PEACE PRIZE XAAJI C/KARIM XUSEN(Cabdi Waraabe)
Xaaji Cabdikariim Xuseen oo aad loogu yaqaan Xaaji Cabdi waraabe waxaan filayaa in aanu sharax badan iiga baahneyn fahamsiinta qofka uu yahay balse aan si kooban oo guudmar ah idiin xusuusiyo.
Waa odayga ugu da’weyn aqalka odayaasha Somaliland ee guurtida ama guud ahaan Soomaaliland.
Waa ruugcadaa taariikh dheer oo ilaa qarni ah soo talinaayay. Noloshiisana ku soo qaatay nabadeyn, waanwaan xasilin, dejin iyo maslaxad uu ka dhex abuuro bulshada dhexdeeda. Waa nin da’diisu ay haatan tahay 120 jir uu ilaahay cimri iyo caafimaadba siiyay.
Xaaji Cabdi waa nin cod kar ah midhka uu yidhaahdana waxa uu soo gunaanadaa xaalad loo maaro waayay. Had iyo goor waxaa lagu yaqaanaa oo uu caan ku yahay difaacida nabada iyo maamulka. Taas oo hadii la waayo deganaanshiiyo, kala danbeyn iyo amniba aanu jireyn.
Xaaji Cabdi waa shaqsiga ay reer Somaliland maanta isku wada raacsan yihiin ogyihiina kaalinta uu ugu jiro marka ay timaado xaalad adag. Taariikhda Xaaji Cabdi oo aan buugna lagu soo koobi karin waxaa tusaale inoogu filan markii uu qaan gaadhay ilaa iyo maanta oo ay boqolkii labaatan u dheer yihiin waxaa uu ku suntanaa nabada iyo dejinta colaadaha heer walba.
Sidaasi derteed waxaan aaminsanahay in Xaajigu yahay qofka ku haboon ee inaga gadmaya hadii aynu si heer caalami ah u nadaamino taariikhdan yaabka leh iyo caqligan uu ilaahay ku manaystay odaygan caanka ah. Islamarkaana uu u qalmo inuu noqdo shaqsigii ugu horeeyay ee Soomaali ah ee ku guuleysta abaal marintan.
Waa hubaal in Soomaalidu guud ahaan inagu taageeri doonto mashruucan meelmarintiisa marka laga eego sumcada shaqsiga aynu taajka saarnay oo ah shaqsiyad ay cidwaliba ixtiraam u hayso kuna qanci karto.
Hadaba xukuumada Somalilad ee maanta talada haysa waa kaadh u furan oo ay ciyaari karto. Hadii ay garato soona bandhigto ama ay isku deydana waxa ay noqon doontaa taariikh wanaagsan iyo guul u soo hoyatay qaranka Soomaaliland iyo dadka Soomaalida ah meel kasta haku noolaadeene.
By Sakaria Abdi Sulub
freelance journalist