Musharax ku Dhaawacmay Shil baabuur oo ka Dhacay Degmada Bullaxaar
Bullaxaar Nov 08,2012(SDN)-Musharax Mahad Bile Cali oo ka tirsan musharixiinta ururka RAYS uga qaybgalaya doorashada golaha deegaanka ee degmada Berbera, Gobolka Saaxil ayaa shalay cabbaara sideedii subaxnimo gaadhigii uu watay kula dhacay meel u dhaw tuulada Faruur ee degmada Bullaxaar isagoo safar ugu jira dhinaca Dacar-budhuq.
Sida aannu wararka ku hellay musharaxa oo ay safarkiisa ku weheliyeen afar ka mid ah hawlwadeenadiisa ayaa dhaawac ka soo gaadhay shilka gaadhiis isaga iyo dhammaan xubnaha la socday.
Sida nooga warramay Cabdi Axmed Yuusuf oo ah Guddoomiyaha ururka RAYS ee degmada Bullaxaar oo ka mid ahaa dadweynaha u gurmaday musharaxa markii uu shillku dhacay, waxa markiiba looga soo gurmaday shilka dhinaca degmada Bullaxaar iyo xarunta Caafimaadka Abdaal oo hawlwadeeno caafimaad, waxana wakhtiyar kadib la keenay xarunta caafimaadka Abdaal oo gargaar degdeg ah loogu sameeyay Musharaxa iyo dhaawaca kaleba.
Waxa kale oo iyaguna dad gurmad u diray Musharaxa Xarunta Guud ee ururka RAYS. Waxa kale oo uu iiga waramay Cabdi Axmed Yusuf in marka loo eego sida uu shilku u dhacay oo gaadhigu laba goor is rogay uu ladanyahay dhaawaca soo gaadhay musharaxa oo burbur guud oo jidka ah iyo gacan iyo dhammaan xubnaha kaleba.
Musharaxa shilka ku dhaawacmay ee Mahad Bile Cali ayaa la keenay shalay galab fiidkii cusbitalka guud ee Hargeysa, mar ay ii suurtagashay inaan khadka telefoonka kula hadlo Xildhibaanka oo kaalmo caafimaad loo sameeyayna wuxu ii sheegay inuu aad uga ladanyahay shilka dhacay, waxana ka mid ahaa hadalladiisa “Walaal waa alxamdulilaahi, aad iyo aad ayaan u fiicanahay, ilaahay ayaa mahad leh aniga iyo intii ila socotayba nasoo badbaadiyey, aad iyo aadna waxan ugu mahadcelinayaa xarunta caafimaadka Abdaal iyo dhammaan madaxdii ururka RAYS ee degmada iyo xaruntaba iyo dhammaan dadweynihii taageerayaashayda ahaa ee dedgegga noogu yimi oo runtii markaan arkay aan ku diirsaday, waa alxamdulilaahi walaal.”
Waxa kale oo uu sheegay xildhibaanku inuu ogaysiinayo dhamaman dadweynihii taageersanaa, ehelkii iyo asxaabtiisiiba inuu ka noolyahay shilkii baabuur ee uu saaka la kulmay, una rajaynayo guul.
Cabdi-wali Yuusuf Maxamuud
4262454