|

Musharax Jamaal Cali Xuseen oo Cadeeyay inay Daruuri tahay Wax ka bedelka Komiishanka isla markaan Badhi taageeray aragtida Gudoomiye Cirro

Hargaysa 18,June 2014 (SDN/QJ)- Musharaxa Madaxweynaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Ucid Jamaal Cali Xuseen ayaa taageeray aragtida ah in wax ka bedel lagu sameeyo habka loo magacaabo Guddida Doorashooyinka Qaranka Somaliland.

Musharax Jamaal waxa uu taageeray soo jeedin hore Gudoomiyaha Wakiilada iyo Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Cirro ku sheegay in la kordhiyo tirada Komishanka Doorashooyinka oo ah 7 xubnood, lana gaadhsiiyo 9 Xubnood, islamarkaana Xisbiyadu tiro siman soo Magacawdaan.

“ Anigu waan ku raacsanahay Asxaabta in wax laga badalo Sidii Guddida(Komishanka Doorashooyinka) loo kala qayb sanayay. Sababtoo ah, dee Saddex Xisbi oo la yidhi waad tartamaysaan, ayaa midna la yidhi Saddex Xubnood ayaad magacaabaysaa, midna la yidhi mid kaliya ayaad magacaabaysaa, Saddexdiina(3-da Xisbina) way tartamayaan, waxay ahayd yara khalad, markii hore inay Ogolaadaan Asxaabtii hore may ahayn, waanan ku raacsanahay in wax laga bedelo. Guddidii Doorashooyinka wakhtigoodii wuu soo dhaw yahay, waxaana la gaadhay xiligii hanaankii iyo talaabadii lagu bedeli lahaa laga hadli lahaa, waayo Bisha October waa in Guddidii sideeda u taagan tahay Diwaan gelintiina la bilaabo, wayna fiican tahay in dadka tartamaya si siman wax u soo magacaabaan.” Ayuu yidhi Jamaal Cali Xuseen oo u waramayay HCTV.

Gudoomiyaha Xisbiga Waddani ayaa dhawaan sheegay inay haboon tahay in wax laga bedelo hanaanka loo magacaabayo Guddida doorashada, hase ahaatee dhinaca Kulmiye iyo Xukumadda ayaan wax jawaab ah ka bixin Aragtida Mucaaradka ee ku salaysan wax ka bedelka Guddida Doorashada oo ay walaac badan ka qabaan.

Guddida Doorashooyinka Qaranka ayaa si aada loogu dhaliilay Doorashadii Golaha degaanka ee sanadkii 2012. Waxaa guddida lagu dhaliilay inay wax isdaba marin sameeyeen, islamarkaana dalka khal-khal u horseedi gaadheen.

Hargaysa SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed