|

Muse Biixi… Amaanta Reeraha Lagugu Dooran Maayo! Taariikhduna Maha Waxa Laga Maydho

“Hadaanadd Samri Karin.. Garaadku Ha Ku Faro Isla Yaabaka”

Booqashada qurbaha ee Muuse Biixi, Gudoomiyaha Kulmiye, ma miidaamaa? booqashadaasi waa mid layaab iyo amakaag ku riday mushtmaca reer Somaliland ee qurbajooga ah gaar ahaan ku dhaqan qaarada America. Muse Biixi waxa uu si lama filaana ugu booqday qurbajooga reer somaliland deegaamadda ay kaga noolyiin Mareykanka isagoo si habqan iyo kala daadsanaan weyni ka muuqato u socdda.

Muse Biixi, oo inkiraya taariikhdiisii madoobeyd iyo fadeexadahii ku gadaanaa taariikh-nololeedkiisii ayaa ummada la soo hor fadhiistay indho adeyg isagoo isu dhigaya muwaadin ceeb ka saliina ah oo ku asteysan wax qabad . Waxa bulshadda uu la kulmayey isa su’aalayeen Muse miyaanu ahayn ninkii taariikhda xumaa ee gefka iyo meelka dhacyadu sumada u ahayeen ee qabyaaladda iyo isku dilka ummada walaala ah ka shaqeyn jiray? miyaanu ahayn ninkii ku caanka ahaa dagaaladii sokeeyaha ee doobta dheer ridayey?.

Muse Biixi, oo bulshadda qurbajooga ahi intoodda badani ay ka qabaan fikir aad u xun oo kalifay in ay bulshadda inteedda badani ay ka soo xaadiri waayaan goobihii loo asteystay lakulankiisa, badhkodna kaga soo qeyb-galeen caga jiid markii danbana ay kaga soo dareereen goobtii uu fadhiyay ama lagula kulmay ayaa ah wax dhugasho iyo u kuurgal weyn leh.

Muse Biixi oo intii yarayd ee ku soo hadhay madashaa looga goleeyey Columbus Ohio ayaa waxa halkudhagyadiisii ka mida amaanidda beelaha karaamada iyo tayada lab leh qaarkood isagoo tilmaamaya shakhsiyaad caan ku ahaa halgankii hubaysnaa ee SNM, muuse waxa aanu ogeyn ama iska idho tirayey in isla goobtaas uu ku amaanayo beelaha qaar in dadku isa su’aalayey wax amaantiisan sida daadka rogmanaysaa daarantahay? waxa kale oo ay amaantiisaa barbardhigayeen hadalo iyo falal uu wakhtiyo hore yidhi markii saman xumaadku ninka raga iyo doqonka kala haadshay ee uu kala guray, waxa ay soo dhufteen kalmaddo uu hore u yidhi oo ku wajahnaa beelahan uu maanta sidii rux dumara ku walacay ee uu ku hadraayo.

Anigoo soo koobayaa dulucda qoraalkana hoos ugu dagaya waxaan MuSe Biixi,kula talinayaa in uu ka fadhiisto ummada candhuuftiisana dib u liqo oonu quudareynin cad uu hore isga xaaraantinimeeyey, waana in aanu rajo ka dhigan dad ama shakhsiyaadd ku guul dareystay toodii faralka ahayd iyo dantii xilka weyni ka saaraa, maahmaah somalilandera ayaa tidhaa “Ninaan Kuu Furahaynin Yaanu Kuu Rarin.

Hadaanadd Samri Karin.. Garaadku Ha Ku Faro Isla Yaabaka.

Maxamed Dahir Caynaanshe

Comments are closed