Murashaxa Madaxweyne Ee Xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen oo beniyey warar lagu bahiyey websadyada qarkood Fariina u diray tageerayasha Xisbiga Ucid
Runtii waa wax lagu qoslo tollow maxaan awooda laxaadka leh u geliyey si aan xisbigayaga UCID ee aan musharaxa ka ahay u soo saarno, haddaan shaqo Banki doonayo.Inkastoo aanan markii hore dooneynin inaan ka jawaabo laakiin qaar idinka mid ah ayaa isoo weydiiyey waxa ka jira wararka kutiri ku teenta ah ee ay daabaceen :Qaran news iyo Baligubadle news :ee xaqiiqada iyo runta ka fog in gudoomiyaha baanka somaliland lay magacaabi doono. Runtii waa wax lagu qoslo tollow maxaa maxaan awooda laxaadka leh u geliyey si aan xisbigayaga UCID ee aan musharaxa ka ahay u soo saarno, haddaan shaqo Banki doonayo. Madaxtooyadda oo aan galona waxaa iigu danbeysay xilligii Daahir Riyaalle, oo intay xukuumaddani qabsatay mabaan gelin. Runtiina anigoon musharaxba noqon hore ayaan u diiday inaan wasiirka Maaliyadda noqdo sababo ii gaara mise waaba anigoo imika musharax cad ka ah xisbi qaran. Markaa labadaa website waxay shegeen waxba kama jiraan ee ha akhriyina Ilaahayna ka baqan maayaan xilligaasi Ramadaan. Waan idin salaamay kuligiin.
qurbejoog.com
Uk London