|

Murankii Ka Taagnaan Jirey Wasaaradda Warfaafinta Oo Dib u curtay iyo Maareeyaha Telefishanka oo Iska Diiday Wareegto Madaxweyne Oo Uu Wasiir Cukuse Madaarka ku Qaybinayey

Hargeysa:19-Jan-2014(SDN)-Waxa mar kale dibadda u soo Baxay murankii iyo is qabqabsigii kooxaysnaa ee ay wasaaradda Warfaafintu caanka ku ahayd oo in badan la isku dayey in xal loo helo.

cuskue iyo gaasMuranka oo muddo gaaban si hoose oo dambabasay, ayaa soo laba kacleeyey ka dib markii uu wasiir cukuse Madaarka maalintii shalay warbaahinta ugu qaybiyey warqad ahayd wareegto Telefishanka lagu hoos geynayo Wasiirka, balse ku taariikhaysnayd xilli hore.

Maareeyaha Telefishanka oo qaar ka mid ah warbaahintu wax ka weydiisay Arrintan waxa uu kala socdo ayaa ku tilmaamay mid been abuur ah oo uu wasiirku meelahaas  ka samaystay,  waxana uu sheegay inaanay jirin waxa wareegto ah oo  lagu hoos geeyey  wasiirka, isla-markaana aan ilaa iyo hadda la soo gaadhsiin wax wareegto ah oo hawshiisa la xidhiidha.

Warbaahinta ayaa maalintii shalay indhaheeda ku arkaysay xilligii uu madaxweyne siilaanyo ka dhoofayey garoonka Hargeysa, iyadoo uu wasiir cukuse Waraaq  tustusayo qaar ka mid ah warbaahinta isagoo sheegaya inay tahay wareegto teleshishanka lagu hoos keenay shaqadiisa, waxana waraaqdaas markii dambe loo soo diray warbaahin kooban.

Wareegtadan ayaa Madaxweyne Siilaanyo uu u diray Golaha Wakiilada kadib markii ay Go’aan Gole raaciyeen Ansixinta Miisaaniyada Qaranka ee Sannadkan kuna Amreen In Hay’adaha Madaxa Banaan ee Miisaaniyadooda la Ansixiyay ee Goluhu aanu Meel Marin Sharciyadooda inuu Mudo Sagaashan Cisho ah ku Soo Gudbiyo,Waxaanu Madaxweynuhu dalabkaaas kaga Jawaabay inuu Hay’adahaas oo uu ka Mid yahay SLNTV uu ku hoos geeyay Wasaarada Warfaafinta.

Wasiirka wasaaradda Warfaafinta somaliland Cabdilaahi Maxamed Daahir Cukuse, ayaan isagu wali si rasmi ah uga hadlin Waraaqdaas uu qaybinayey, waxase dhinaciisa deedafeeyey Maareeye Gaas inay Warqaddaasi jirto.

Murankan u dhexeeya Maareeyaha iyo wasiirka oo salka ku haya arrimo dhaqaale, ayaan la ogayn meel uu ku dambayn doono, waxase jira laba garab oo madaxtooyada fadhiya oo la kala safan labadan masuul, maadaama labadan qolo mid waliba dano gaar ah  leedahay in shaqada Telefishanka qaranka loo daba fadhiisto.

 

S.D.N

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed