Muranka Hoggaaminta KULMIYE Ma Mid Lagu Caayayo Garashada/Fahamka Bulshadaa?
Waagii baryaaba waayo leh!! Waxaa baryahan jawiga arrimaha siyaasada dhex wareegayey moran xoogan oo la galiyey hogaaminta xisbiga KULMIYE, taas oo saxaafaduna qaadaa dhigtay, maanta bal aan isku dayo odhaahdayda ku waajahan:
Hordhac
Bal marka hore aan yar guda galno taariikhda asxaabta siyaasiga ah ee dalka si aanay wakhti badan inooga qaadan fahamkeeda dulucdu; sida aan ka warqabno dalka waxaa soo maray saddex xisbi oo kala ahaa UDUB, UCID iyo KULMIYE.
Balse markii ay qabsoontay doorashadii madaxtooyada ee Somaliland June 26, 2010, waxa xisbigii tallada dalka qabtay uu furay in asxaabta siyaasadeed dib loo furo, si mar kale loo helo saddex xisbi qaran oo jira tobanka sanno ee soo socda 2012 – 2022. Haddaba waxa bulsho weynta Somaliland ka dheregsan tahay in hogaaminta asxaabtaa hore ay hayeen Guddoomiye iyo Guddoomiye-xigeen lagu doortay doorashadii 2002 ee gollaha deegaanka kaas oo wakhtigaa mudo xileediisu ahayd shan (5) sanno, balse kan danbe ee 2012 laga dhigay toban (10) sanno.
Kadib doorashadaa dambe waxaa xisbiyo noqday KULMIYE, NEW-UCID iyo WADDANI, asxaabtan mid walba waxaa hogaaminayey Guddoomiye iyo Guddoomiye-xigeen, taas oo ay kala sinaayeen kuwii hadhay. Haddaba nidaamka oo ah kii asxaabtii hore ee 2002 – 2012, ay hogaan koodu ku soo baxeen, waxaa yaab noqotay sababta Muranka loo galiyey hogaaminta KULMIYE, tollow ma waxay moodayaan in Kulmiye yahay kii hore? Sida aan qabo dadkuna wada ogyahay asxaabtaa here waxay ku dhamaadeen markii la furay in dib loo diiwaan galiyo ururadii siyaasiga ahaa.
Si dalka looga badbaadiyo wax loo yaqaan “vacuum” ka dib doorashadda deegaanka waxay labada aqal ee Guurtida iyo Baarlamaanku ansixiyeen qodob odhanaaya haddii xisbiga KULMIYE tartanka ku hadho madaxweynaha iyo kuxigeenkiisu waxay la shaqaynayaan saddexda guulaysta kii ay is fahmaan, tani waxay cadayn buuxda u tahay in xisbiga Kulmiye yahay mid cusub oo hogaan cusub wata,isla markaana haddii la dooran waayo ay hogaankiisuna la dhacayaan, balse aan loo qabsan madaxweynaha iyo kuxigeenkiisa, oo la bad-baadiyo mudadii hore loo doortay inta ay dhamaysanayaan
KADIB DOORASHADII DEEGAANKA 2012
Haddaba waxaa dhacday in hogaankii KULMIYE oo ahaa 1. Guddoomiye “Mudane: Muuse Biixi Cabdi 2. Guddoomiye xigeen “ Mudane: Maxamed Kaahin Axmed. Ay umaddii dooratay xisbigiina soo baxay. Markaa isweydiintu waxay tahay maanta madaxweynaha iyo kuxigeenkiisu Kulmiye ma iyagaa hogaanka ah mise raggii la doortay?!!
Jawaabtu way cadahay oo raggii shacabku doortay ayaa hogaan ka ah, Madaxweynaha iyo ku xigeen kiisuna farsamo ahaaan ayey ugu lifaaqan yihiin oo ula shaqaynayaan (Technically Collaborating Colleague” inta mudadii la doortay dhamaanayso, xaalku waa sidaas.
XAALADDA TAAGAN
Marka aynu milicsano xaaladda taagan ee ololaha lagu qaaday hogaanka KULMIYE mid sharci iyo mid Beeleed kay noqotaba, xaalku waa badheedh cad oo lagu caayayo cagliga garashadda iyo fahamka beesha Sacad Muuse- ee uu ka soo jeedo guddoomiyuhu.
Waayo xisbiyaddii hore UDUB, UCID iyo KULMIYE , midna hogaankooda laguma qabsan jirin, maantana iyada oo labada xisbi ee kale NEW-UCID iyo WADDANI , aan midna lagu qabsan ayey dhacday tan lagula kacay Kulmiyaha maanta, haddaba waxa isweydiin leh ma dadka ayaa isku qaldaya Kulmiyihii hore iyo kan maanta?!!…. haddii taasi jirto waxa aan u malaynayaa in laga raacay magaca aan waxna laga badelin waxna lagu darin, sida ay yeeleen hogaanka NEW-UCID oo la kala fahmayo kii hore iyo kan danbe.
Gunta xaaladda maanta taagani waxay abaaran tahay, waa laga war qabaa dhaqanka Soomaalida in ay Beeli magac dil iyo gujo-gujeyn ay ka xigto xabbad iyo xabaal.. waxaan leeyahay hogaanka xisbiga KULMIYE-TODAY waa nin ka soo jeeda Beesha Sacad Muuse, falkasta oo gardaro oo ku dhacaana waa dhaawac loo geystay beesha, markaas waa in laga waan toobaa falkaas oo ah kii ugu horeeyey noociisa ee ka dhaca Somaliland.
Madaxtooyaduna ha ku qanacdo qodob sharci oo ha tagaan maxkamad caalami ah taas ayaa u garniqi… balse meesha ma qabato in la yidhaa Raggii shalay la yidhi ama ha la idin doorto ama isla dhaca xisbiga in maanta la yidhaa ku qabso ku qadi mayside!!!!.
Dhinaca hogaanka KULMIYE waxaan leeyahay magaca xisbiga wax kabedel ku sameeya sida: KULMIYE-TODAY, kooxdan madaxtooyada ee muddo xileeda loo bad-baadiyeyna ku qanciya maxkamad dibadeed.
Dadkuna ha ogaadaan in hogaanka Kulmiye ku yimid cod dadweyne oo aanay cidina bedeli Karin.
Guul iyo Gobonimo.
Keyse Amarre
E-mail: keyse.amare@live.com