|

Muran Soo Kala Dhexgalay Jaaliyadda Somalida Denmark Oo Loo Hakinayo Kulamo Xogol-xaadh u ahaa Shireynaha Arrimaha Soomaalida ee Copenhagen ka Dhacaya

Copenhagen:Nov,14,2014(SDN/QJ)-Dawladda Waddanka Denmark ayaa ku Hawllan qorshe lagu hakinayo kulan Gogol-xaadh u ahaa shirka dhawaan la filayo in somalida loogu qabto magaalada Copenhagen.

dendKulankani ayaa ahaa mid hor dhac u ah Shirka 19-ka bishan Soomaaliya loogu qabanayo Magaalada Kopenhagen, waxa ayna wararku sheegayaan in muran adag uu hadheeyay Jaaliyadda kunool Dalkaasi oo ka shaqeyneysa Shirkan, kuwaas oo isku khilaafsan nidaamka uu shirku u socon soono iyo ajandihiisa.

Sidoo kale, wararku waxa ay intaa raacinayaan in Kulanka koowaad laga damacsanaa inuu dhexmaro Hogaamiyayaasha Jaaliyadda iyo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Wafdigiisa, hase ahaatee waxaa baajinta sabab u noqday buuqa.

Murankan ayaa ka dhashay Shirka kadib markuu soo baxay Khilaafka u dhaxeeya Madaxweynaha iyo Raisul Wasaarihiisa.

Wali si rasmi ah looma shaacin sababta laakiin Wararka ayaa sheegaya in Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Denmark ay isku afgaran waayeen Qaabka loo dhigi lahaa Shirka iyo Cida kasoo Qeybgaleysa.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

 

Comments are closed