|

Muran Dhuleed Oo Ka Taagan Deegaan Reer Awdal iyo Waqooyiga Hargeysa

Hargeysa:10-Nov-2013(SDN)- Muran iyo Is Qabqabsi  ku saabsan yooyootan deegaan ayaa ka soo kordhay deegaamada ku yaala Soohdinta ay wadaagaan Goboladda Selel, Awdal iyo Maroodi-jeex.

muraArrintan ayaa ka dhalatay Xubno ka soo jeeda Gobolka Awdal oo dhawaan sheegtay deegaamo ay Ardaaga Waqooyiga Hargeysa ku doodayaan inay iyagu leeyihiin.

Qoraal ay soo saareen Oday-dhaqameedyo ka soo jeeda Waqooyiga iyo Galbeedka Hargeysa, ayaa lagu sheegay in xuduudka deegaan ee Beeshaasi dhaco meesha loo yaqaano Laanta Cawda oo ay ood-wadaag ka yihiin Dhinaca Deegaanka Ciise.

Qoraalkaasoo daba socda hadal hore uga soo yeedhay dhinaca Reer Awdal, ayaa u dhignaa sidan:-

Reer Maroodi-jeex oo ku tilmaamay Arinkii Reer Awdal Dhidar Onkod Kiciyay Tixraac: wergeyska Hubaal cadadkiisii soo baxay arbacadii oo ay taariikhdu ahayd 06/11/13.

Ma aha markii ugu horeysay ee ay reer awdal ku kacaan aflagaado iyo sheegasho dhul aanay isir u lahayn waxaanu leenahay reer awdal si aynu daris nimada walaalnimada u ilaalino waa in aad u ilaalisaan oo aad ka fogaataan damaca aqoon darida iyo dhulbalaadhsiga ku salaysan ee marnaba idiin suurta galayn in aad ka joogtaan .

Hadaba xuddudaha maamul waxay ku dhisan yihiin kuwii ingiriisku kaga tegay 1960-kii isla markaana saddexda gole qaran ansixiyeen .

Hadaba xuduud beeleedkana marka laga hadlayo hadaanu nahay beesha sacad muuse waxaanu wadaagnaa beesha ciise oo xadna noo tahay laanta cawda halkaas oo beesha sacad muuse iyo ciise ku kala saxeexdeen heshiis nabadeed oo lamagac baxay nabada huruda isla goobtaana laysku waydaarsaday gabdho fara badan kuwaas oo manta tafiirtoodu talinayso,hadaba dhulka aad aqoon darida ku sheeganaysaan waxa weeye dhulka taariikhdaa leh ee gobolada hada jira ee Gabiley iyo Maroodijeex ay wadaagaan waxaanan u malaynaynaa caqligii aad saylac ku sheegateen ayaa maantana hanqal taag kalena kuu keenay .

Walaalayaal waxaanu idin leenahay inta ilaahay idinku abuuray eed ku dhasheen kuna dhaqanteen iimaansada oo iska daaya waxaan idiin suurta galayn iyo hurinta xumaanta aad wadaan Waxaanu ka xunahay aflagaadadaas aan geedna loogu soo gaban ee aad u gaysateen tv ga qaranka hawl wadeenadiisa aqoonta iyo khibrada dheer u leh hawsha ay qaranka u hayaan iyo isu duwaha caafimaadka ee gobolka maroodi jeex oo hawshiisa shaqo gudanaya aqoonteeda iyo waaya aragnimadeedana iska leh.

Waxaanu ka soo horjeedna cidkasta oo aflagaadaysa madaxda qaranka iyo hawl wadeenada shaqaalaha ah ee dalka iyo dadka u adeegaya.

Ugu danbayn waxaanu idinkula talinaynaa inaad qoriga dabka leh ee aad la wareegaysaan aad bakhtiisan waxaad ka dheefaysaan ma ogidine isla markaana qarankan Somaliland aad daacad u noqotaan.

Alla Mahad leh

Odayaasha Deegaanka Waqooyiga Hargeysa

 

S.D.N

Contact@somalidiasporanews.com

 

 

 

Comments are closed