Muqdisho:Xildhbaan Qarax lagu Dilay iyo Mid kale oo lagu dhaawacay
21,Apr.2014(SDN/QJ)-Wararka naga soo gaadhay Magaaldda Muqdisho ee Caasimadda Somalia,ayaa sheegaya in halkaas maanta Qarax Bam lagula eegtay mid ka mid ah Xildhibaandda Dawladda Federaaliga ah ee Somalia.halka mdi kalena lagu dhaawacay halkaasi
Marxuumka oo lagu magacaabi jiray Isaaq Maxamed Cali (Riino) ayaa la sheegay in uu dhaawac culus kasoo gaaray qaraxa oo gaarigiisa loogu xiray xilli uu joogay degmada Xamar Weyne.
Xildhibaan kale oo ka tirsan Baarlamaanka oo la yiraahdo Maxamuud Cali DHuux ayaa isna la sheegay in uu dhaawac kasoo gaaray qaraxa, waxaana xaaladdiisa lagula tacaalaya mid kamid ah isbitaalada Muqdisho.
Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheikh Maxamuud ayaa cambaareeyay qaraxa, isagoo ku eedeeyay in ay ka dambeeyaan kooxo uu ku tilmaamay ‘nabad-diid.
SDN/QJ-Hargaysa