Muqdisho:Wiil Qurbaha Ka Yimi Oo Masaajid Ku Dhex Gawracay Nin Kale Oo Dil Lagu Xukumay
Muqdisho:Nov,06,2014(SDN/QJ)-Nin somali ah oo kasoo laabtay Dalka Canada, isla-markaana muddo bilo ka hor ah Masaajid ku yaalla Muqdisho ku gawracay muwaadin somaliyeed, ayaa isagana lagu xukumay dil toogasho ah.
Ninkan kasoo laabtay dalka Canada, ayaa magaciisa lagu sheegay Saciid Xaaji Xuseen, ayaa la xaqiijiyey inaanu wax cillad ah ka qabin dhinaca Maskaxda, sidaas darteedna dhawaan la dili doono.
Dr. Maxamed Xasan Nuur, Xeer Ilaaliye Ku Xigeenka Qaranka, ayaa waxa uu Maxkamada horkeenay cadeymo ku aadan in Saciid Xaaji Xuseen, uu si badheedh ah u gowracay marxuum Axmed Cabdi Cosoble.
Sidoo kale waxa uu Saciid Maxkamada ka hor qirtay in uu dilay Axmed Cabdi Cosoble, iyadoo aynaan jirin wax sabab ah.
Dr. Xaashi Cilmi Nuur, Gudoomiyaha Maxkamada Gobolka Banaadir, ayaa wuxuu ku dhawaaqay xukunka dil ah oo Maxkamadu ay ku riday ninka dilka lagu helay ee Saciid Xaaji Xuseen.
Dhacdadan, ayaa bishii October gil gishay dareenka shacabka ku nool Magaalada Muqdisho, iyadoona ay noqotay middii loogu hadalhaynta badnaa.
SDN/QJ