Muqdisho:Sarkaal Dawladdu Si Weyn U Baadigoobaysay Oo Sheegay Inuu Garoonka Aadan Cadde Ka Dhoofay
Guriceel:Aug,22,2014(SDN/QJ)-Siyaasiga Cabdi Nuure Siyaad (Cabdi Waal)oo xilliyaddii Burburka Somalia ka mid ahaa Siyaasiyiintii ugu caansanaa, isla-markaana hore loogu weeraray aqalkiisa oo Muqdisho ku yaalla ayaa markii ugu horraysay ka Hadlay Sida uu uga Baxsaday Gacanta Ciidanka Dawladda oo ku daba joogay. Siyaasi Cabdi Nuurre oo Haatan ku Sugan Gobolka Gal-gaduud oo uu dhalasho ahaan kasoo jeedo, ayaa isagoo la Hadlayey idaacadda BBC-da, ayaa xusay inuu safar dhinaca Hawada ah uu Muqdisho kaga soo baxsaday. Waxa uu sheegay inuu Garoonka Aadan Cadde kasoo dhoofay markii uu Deegaankan soo qabanayey, isagoo intaas ku daray in Dawladda Somalia Halis gelisay naftiisa. Mar la weydiiyay sida ay ugu suurta gashay in uu dhoofo Garoonka Aadan Cadde, xilli ay baadi-goob ugu jirto Dowladda, ayuu sheegay in uu yahay nin Siyaasi ah, isla-markaana loo fududeeyay sidii uu kaga amba bixi lahaa Garoonkaasi. Wuxuu kaloo sheegay in ay arkayeen qaar ka mid ah Saraakiisha ka hawlgasha Garoonka Aadan Cadde, markii uu ka amba baxaayay, isla-markaana aanay wax qabasho ah u geysan. Su’aal ahayd in uu ka soo horjeedo hub uruurinta ka soconeyso Magaalada Muqdisho, ayuu sheegay inaanu isagu doonayn in uu hubka wareejiyo, ha yeeshee ay ka horeyso in Baarlamaanku uu qeexo sharci cad, oo dadka hubka looga uruurinaayo. Sidoo kale wuxuu sheegay in Dowladdii uu Madaxweynaha ka ahaa Allaha u naxariistee Korneyl C/laahi Yuusuf Axmed, in uu ku wareejiyay hub gaadhaya 570 qori, isagoo ka shaqeynaaya Dowladnimada, sida uu sheegay. Cabdi Waal oo ka hadlaaya waxa uu kaga tagey Magaalada Muqdisho, ayaa wuxuu ku sheegay Ururka Dam Jadiid, oo dadka ku leynaaya sida uu sheegay Caasimada. Siyaasigan, ayaa waxaa la hadalhayaa in uu magangelyo siyaasadeed ka helay Maamulka Ahlu Sunada Gobolada Dhexe, iyadoo uu deegaan ahaan ka soo jeedo Guriceel. SDN/QJ timo@qurbejoog.com Contact@somalidiasporanews.com