Muqdisho:Ra’iisal Wasaaraha Somalia oo bari ka deggi Doono Kismaayo
11,Apr.2014(SDN/Q J)-Ra’iisal Wasaaraha Somalia Md.Cabdiwali Sheekh Axmed,ayaa la filayaa inuu maalinta bari ah safar shaqo ku tago Magaaladda Kismaayo ee Xarunta Maamulka ku meel gaadha ah ee Jubba.
Wararka aanu ka helayno ilo ku dhaw dhaw Maamulka Magaaladda gacanta ku haya ayaa shaagaya inuu ra’iisal wasaaruhu inta uu ku sugan yahay magaaladda uu la kulmi doono dhamaan qeybaha Bulshadda ee Gobolka,madaxda sare ee Maamulka Jubba,iyada oo lagaga wada hadli doono kulandaas sidii Dibu-Heshiisiin Balaadhan loogu Samayn lahaa dhamaan Beelaha Wada degga Gobolka si looga shaqeeyo Horumatinta Gobolka oo ay haatan si xoogan u wada Burbursanyihiin dhamaan Kaabayaashii dhaqaale ee Gobolku.
Waxa kale oo wararku intaas ku darayaan inta kulandaasi Socdaan laysla soo qaadi doono sidii loo sii abma-qaadi lahaa ka shaqaynta Fulinta Shirkii Nabadda ee Gobolada Jubooyinka ee u dhaxeeyay Dawladda Faderaalka Somalia iyo Maamulka Ku meel gaadhka ah ee Jubba,oo ay Qodobada ugu muhiimsan ay ka mid ahaayeen: Inuu Maamulku wareejiyo Dekadda iyo Airport-ka iyo in la soo xareeyo,lana qarameeyo dhamaanba dadka maleeshiyaadka ah eek u sugan Duleedka Magaaladda ee kazoo Horjeeda maamulka hadda gacanta ku haya Magaaladda Kismaayo.balse ilaa hadda aanay muuqan wax laga fuliyay Heshiisyadaasi,iyada oo Siyaasiyiin iyo wax-garad kazoo jeeda Goboladda Jubbooyinka iyo Geddo,ay ku eedeeyeen inuu Maamulku dhagaha ka furaystay Fulinta Heshiisyadaas lagu soo gaadhay Magaaladda Adis-Ababa ee Xarunta Dalka Ethopia.
SDN/QJ-Nairobi