MUQDISHO: Tirada Xildhibaannada Maqaar-saarka Ah Ee Somaliland Laga Siiyey Baarlamaanka Soomaaliya Oo La Shaaciyey
Muqdisho 14,June,2016 (SDN/QJ): – Iyadoo todobaadyadii u dambeeyay Maamulka Dawlada Federaalka Soomaaliya ku mashquulsanaayeen Saami qaybsiga kuraasta baarlamaanka cusub ee loo dhisayo Soomaaliya, ayaa waxaa lasoo saaray tirada rasmiga ah ee lagu qaybsanayo Kuraasta Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Shirkii madasha Wadatashiga ee maamul goboleedyada Soomaaliya ee todobaadkii hore kusoo dhamaaday magaalada Muqdisho ayaa waxaa lagu qaybsaday kuraasta Baarlamaanka iyo tirayooyinka ay kala heleen maamul-goboleedyada oo Somaliland lagu soo daray.
Warqad aanay shaacin maamulka Federaalka Somaliya oo ay ku saxeexan yihiin Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya, Madaxwaynayaasha Puntland, Jubaland, dawlad-goboleedka Koonfur Galbeed iyo Gal-mudug ayaa lagu sheegay in xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya Sidan loo kala helay.
Somaliland 47 mudane, Dawlad-goboledka koonfur galbeed 69 mudane, Puntland 40 mudane, Hiiraan iyo shabeelada dhexe 37mudane, Jubaland 39, Galmudug 36 mudane iyo Gobolka Banaadir oo Helay 7 mudane sidaasina ay ku dhanyihiin 275 xildhibaan ee loo soo xulay baarlamaanka Soomaaliya.
Somaliland oo aan ka mid ahayn Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo baarlamaanka ayaa waxaa inta badan lagu daraa saami-qaybsiga kuraasta baarlamaanka iyo masuuliyiinta kale ee xilka ka qabanaya Dawladda Xamar iyadoo ay inta badan xilalkaasi qabtaan siyaasiyiin sheegta inay matalaan shacabka Somaliland.
Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo oo toddobaadkii hore Hargeysa ka furay shirka Qaadhaan-bixiyeyaasha Somaliland taageera, ayaa sheegay inaan Somaliland ka mid ahayn Soomaaliya isla-markaana aanay door ku lahayn Doorashooyinka ka dhici doona Sannadkan.