|

Muqdisho oo xustay SYL

Muqdisho May 15, 2024 (QJ) -Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa xuska 15-ka May xuska maalinta dhalinyarada Soomaaliyeed ee SYL dhigay xuska maalinta dhalinyarada Soomaaliyeed, isagoo xuska maalinta dhalinyarada Soomaaliyeed ku maamuusay dhalinyaradii gobonimo doonka ahayd ee SYL.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa ka qeyb galay munaasabadda ubax dhigga oo ku beegan maalintii la aas aasay dhalinyaradii SYL oo kaalin mug leh ka soo qaatay taaba gelinta Qaranka Soomaaliyeed.

Munaasabadda ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiirka Arrimaha Gudaha, Wasiirka Dhalinyarada, Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Banaadir ee dhanka Amniga iyo Siyaasadda, Xildhibaano badan, iyo mas’uuliyiin kale.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad ka jeediyay munaasabadda 15-ka May ayaa ku nuux nuuxsaday muhiimadda ay leedahay dhalinyarada Soomaaliyeed, isagoo kula dar daarmay in ay sii wadaan kaalintooda kaga aadan difaaca iyo dib u dhiska dalka. Waxa uu sidoo kale ugu baaqay dhalinyarada in ay horseed u noqdaan dadaallada lagu doonayo in Soomaaliya ay ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah.

Comments are closed