|

Muqdisho oo laga mamnuucay Koofiyadaha iyo Mask

Muqdisho February 14, -Maamulka gobolka Banaadir ayaa maanta soo saaray wareegto uu ku mamnuucayo xirashada koofiyadaha iyo indho-shareerka ee magaalada Muqdisho.

Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in dadka reer Muqdisho aan loo ogolaan doonin in ay xirtaan koofiyadaha iyo xijaabka meelaha ay bulshadu isugu timaado.

Maamulka gobolka Banaadir ayaa sidoo kale mamnuucay in hubka fududlala raaco gaadiidka dadweynaha, waxaana dadka iska leh Tagaasida lagu amray in aysan cidna u ogolaan in hub lala raacin karin gaadiidka ay wadaan.

Hay’adaha ammaanka ayaa lagu amray inay tallaabo sharciga waafaqsan ka qaadaan ciddii jebisa amarkaasi, iyadoo la tixgelinayo in dadkaasi ay khatar ku yihiin ammaanka caasimadda Muqdisho.

Comments are closed