Muqdisho “Hooyo Umushay Afar Hablood Oo Mataanno Ah” iyo Baaq loo diray Bulshada Somaliyeed
Muqdisho, 30 Dec 2014 (Ogaal)-Hooyo Soomaaliyeed oo umushay afar gabdhood oo mataano ah, mid ka mid ahna ay saaka geeriyootay ayaa ka dalbaday caalamka kaalmo, iyadoo inta ka nool caruurtan haatan lagu hayo qalabka ilmaha lagu xannaaneeyo, sababo la xidhiidha korriimo dheeraad ah oo ay u baahan yihiin.
Faadumo Xasan Maxamed oo ah gabadh dhallinyaro ah oo ilmaha ay dhashayna ay yihiin da’dii ugu horeeysay ee ay dhasho ayaa saxaafadda u sheegtay in ay si aad ah ugu faraxsan tahay afarta mataanaha ah ee ay dhashay “Runtii aad ayaan ugu faraxsanahay ilmaha aan dhalay, maxaa yeelay ALLE ayaa igu manneystay… si aad ah ayaana ugu faraxsanahay,” ayay tidhi ah hooyadan ugubka ah ee umuhushay afarta gabdhood mar kaliya, iyadoo raacisay in mid ka mid ah gabdhaheeda ay ka saqiirtey
Hooyadan ayaa laga keenay degmada Cadale ee gobolka Shabeellada Dhexe kaddib markii ay xaaladeedu adkaatay, iyadoo la keenay Muqdisho, waxaana la geeyay cisbitaalka SOS oo dhakhaatiirta ka howlgala ay sheegeen inayna wax ka qaban karin xaaladdeeda caafimaad, iyadoo la geeyay cisbitaal ay ku leeyihiin Muqdisho dhakhaatiir Masaari ah, halkaasoo ay ku umushay.
Aabbaha dhalay Faadumo oo lagu magacaabo Xasan Maxamed ayaa si gaar ah uga dalbaday dowladda Somalia iyo shacabka Soomaaliyeed ee ALLE wax siiyay inay soo caawiyaan, maadaama ayna awood ahaan keligood ku filayn xannaanada ay u baahan yihiin ilmahaan mataanaha ah “EEBBE wuxuu keenay waan ku faraxsaynaa, waxayse ilmahan u baahan yihiin xannaano dheeraad ah; innagu ma awoodno. Marka dowladda Somalia iyo shacabka Soomaaliyeed ee ALLE wax siiyay waxaan weydiisanaynaa inay intii ay awoodi karaan nagu caawiyaan,” ayuu yidhi Xasan Maxamed.
Dhanka kale, Aabbaha wuxuu sheegay in mid ka mid ah carruurta gabadhiisa ay dhashay ay geeriyootay, isagoo sheegay in saddexdii kale ay nool yihiin, laguna hayo qalabka carruurta lagu xannaaneeyo, kaasoo kiro ah ayna ku baxayso maalintii lacag fara badan.
Qoyska ay Faadumo kasoo jeeddo ayaa ah qoys dan-yar ah oo degmada Cadale ku nool, kuwaasoo aan awood u lahayn inay bixiyaan kharashaadka lagu xannaaneynayo ilmaha saddexda ah ee ka hadhay mataanaha.
Waa markii ugu horreysay oo hooyo Soomaaliyeed ay ku umusho Muqdisho afar carruur oo mataano ah inta la xusuusto, iyadoo sannado ka hor ay sidoo kale hooyo Soomaaliyeed ku dhashay Muqdisho saddex cunug oo mataano ah.
Hadda shacabka Soomaaliyeed ee doonaya inay caawiyaan hooyada dhashay afarta gabdhood ee mataanaha ah waxay kala xidhiidhi karaan Teleefoon Lam: +252-615417825, kaasoo uu leeyahay aabbaha dhalay hooyadan umushay afarta gabadhood oo lagu magacaabo, Xasan Maxamed.