|

Muqdisho:Hawl Galo Baadhitaan oo Socda iyo 300 oo Qof oo Saldhigyada lagu Guray

Muqdisho 12.July 2014 (SDN/QJ)- Ciidanka Nabadsugida magalada Muqdisho ayaa howlgal ay ka sameeyeen degmada Xamarweyne ee Gobalka Banaadir waxay kusoo qabteen dad ka badan 300 oo qof oo qaarkood ay yihiin ganacsato.

DF_3Howlgalkan oo ahaa mid si ka dis ah dadku ula kulmeen ayaa waxaa baaritaano lagu samaynayo xaafadaha iyo goobaha ganacsiga iyadoona dhalinyaradda xaafadaasi ku jiray laga kaxaystay isla markasna lagu wargaliyay in su’aalo la waydiinayo ka dibna la siidayn doono.

Ma ahan markii ugu horaysay oo howlgal noocaan oo kale ah laga fuliyo magalada Muqdisho hase yeeshee dadka ayaa sheegaya inaysan waxba galabsan dhibaatooyina ay kala kulmaan ciidanka xiliyadda ay howlgalada samaynayaan.

Gudoomiyaha Xamarweyna ayaa sheegay inuu yahay howlgalkan mid lagu damacsanayay in looga hortago kooxda Alshabab isla markasna Amniga degmada lagu sugo maadama degmadaasi lagu dilay labo xildhibaan.

Ammaanka magalada Muqdisho ayaa maalmihii lasoo dhaafay sii xumaanaay ka dib markii ay kooxda Alshabab weeraro kala duwan ka gaysatay magalada kuwaasoo dhimasho iyo dhaawac kasoo gaartay rayidka aan waxba galabsan.

Barnaamijka Nabad ku afur ayaa soo kordhiyay dilal hor leh iyo qaraxyo ay Alshabab ka gaysanayso goobaha dadku ay ku badan yihiin waxaynta taasi keentay in lagu dhaliilo dowladda Xasan Shiikh Maxmauud wax ka qabasho la’aanta amaal xumida magalada Muqdisho.

Muqdisho SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

Comments are closed