Muqdisho: Dowladda Hoose oo diyaarisay qorshe wax badan ka bedelaya Muqdisho (Sawirro+Warbixin)
Muqdisho July 11,2015(SDN/QJ)-Shir ka dhacay magaalada muqdisho ayaa waxa ay Dowladda Hoose ee Muqdisho ku soo bandhigtay istaraatiijiyad shan sano ah taasoo ku saabsan Horumarinta Dhaqaalaha Deegaanka Muqdisho taasoo laga fulin doono caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.
Md: Abdikadir Mohyadin Ahmed (Dalha) oo ah wakiilka Mashruuca Horumarinta Dhaqaalaha Deegaanka Xamar ayaa sheegay in ay istaraatiijiyadaan ay ku tumid wada tashi iyo in ay sameynteeda qeeb ka ahaayeen xubanaha Madasha horumarinta dhaqaalaha deegaanka xamar oo ka kooban Dowladda Hoose ee Muqdisho, Ganacsiga gaarka loo leeyahay oo ay hogaaminayso Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya iyo Bulshada Rayidka.
Istartaajiyada ayaa waxa ay ujeedkeeda ugu weyn yahay sidii loo kobcin lahaa dhaqaalaha Deegaanka Xamar waxa ayna qeeb ka tahay diyaarinta istaraatiijiyadaani sida ay sheegeen Maamulka Dowladda Hoose Mashruuca horumarinta dhaqaalaha Deegaanka oo dhawaanahaan ka socday gudaha caasimadda soomaaliya ee Muqdisho.
Istaraatiijiyada ayaa waxa ay leedahay ilaa shan ujeedo oo lag soo dharaandhiriyay qiimeyn xaaldaha dhaqaale ee Caasimada oo horay u qabatay Dowlada Hoose waxaana ka mid ah dib u dhiska kaabayaasha dhaqaalaha sida wadooyinka, sare u qaadista awooda xirfadeed ee adeeg gudbin ee shaqaalaha Dowladda Hoose, aas-aasidda iyo dib u eegista sharciyada la xariira ganacsiga, shaqo abuurka iyo dhiiraglinta ganacsiyada yar yar iyo maalgashiga.
Iman Nor Ikar oo ah ku xigeenka Duqa Caasimada Muqdisho ee dhanka arrimaha bulshada ayaa ka sheegay shirka in lagu jiro xilligii ugu wanaagsanaa ee laga hadli lahaa horumarinta dhaqaalaha caasimadda waxa uuna intaa ku daray in ay wanaagsantahaya in la sameeyo mar walba cilmi baaris gaar ahaan marka la bixinaayo tababaro xirfadeed si loo ogoaado xirfadaha suuqa leh ee lagu heli karo shaqooyin.
Dowladda Hoose ee Muqdisho ayaa dhawaanahaan ka waday magaalada Muqdisho dadaalo iyo barnaamijyo ku saabsan horumarinta dhaqaalaha deegaanka iyadoo bishii Febuary ee sandkaan ay ka sameeyasay caasimda xog aruurin ganacsi ilaa afar dagmo oo lagu ogaanay xaaladaha ganacsi ee deegaanka.
Magaalada muqdisho ayaa waxaa ka muuqdo muuqaalo dib u kabasho ganacsi iyo dib u dhis aad u balaaran taasoo labadii sano ee la soo dhaafay aad loogu arkaayay caasimada Muqdisho kana dhigtay muuqaalka caasimadda mid leh hididiilo iyo mustaqbal ifaayo.