Muqaalka dhaqaale ee xaafadaha Mathare iyo Eastleigh oo sabab u noqday Dagaalka Nairobi ee Soomaalida iyo Kiinyaatiga
Nairobi Nov 27,2012(SDN)-Axadii kal hore ayey aheyd kolkii gaari kuwa dadweynaha gura lala beegsaday qarax kiyoo maraya xaafada Soomaalidu ka ganacsato ee Eastleigh,qaraxa ayaa waxa ku dhaawacmay todobo ruux.
Qaraxa ayaa waxa fursad uu u siiyay caro iyo xasad ay Kiinyaanka ku nool xaafadaha jaarka la ah Eastleigh ay uurka ku heysteyn dibada u soo saareen.
Xaafada Mathare oo ah mid wado uun ay kala qeybiso Eastleigh ayaa waxa ku nool Kiinyaan aad sabool u ah oo ay ragaadiyeen hooy iyo shaqo la’aan baahsan.
Kolkase aad ka soo taloowdo wadada Juja waxaad u soo galeysaa saro iyo goobo gacasi oo camiran oo aduun oo dhan lagu iibinayo.
Sidoo kale Mathare oo ah cooshash aan leydh iyo biyo toona lehyn ayaa Eastleighna ay leedahay saro dhaadheer iyo aqalo qurux badan oo reero qaxootinimo Soomaaliya uga yimi dhawr sano ka hor ay ku nool yihiin.
Kiinyaatiga guud ahaan ku nool Kiinya khaasatan Nairobi ayaa sanadoba haatan waxa ay ka calool xumaayeen Soomaalida sida degdega ah nolosha uga sameysatay dalkooda.
Hadaba Qaraxii u danbeeyay ee Eastleugh ka dhacay ayaa waxa loo isticmaalay boob iyo dhac mudaba lala damacsanaa Soomaalida.
Waxa la arkayay Dhalinta bilaa camalka ah ee Mathare ayaa iyagu waxa ay si toos ah u bartilmaansadeen xaafadaha iyo meheradaha Soomaalida ee ay aduunka ku tuhmayeen.
“Kolkaan qaraxa maqlay markiiba waxa igu soo dhacday ilaahoow ay rabshado dhacaan si aan u helo wax aan cuno,waxaan shaqo doon ahaa mudo sadex bilooda”sidaa waxa thinafricapress u sheegay nin 22 jir ah oo magaciisa lagu soo gaabiyay Mungia.
Mungai ayaa boobkii waxa uu ku soo helay Furaash,Telephone Gacanta ah iyo kiish Bur ah.
Joseph Mwangi oo ah Ardey 22 jir ah oo ku nool isku raranta Mahare ayaa ka xun sababta Soomaalidu ay u leedahay dhul iyo guryo.
“Aniga iimaba Muuqato sababta Soomaalida qaxootiga ah loo siinayo dhul iyo aqalo ay ku noolaato”ayuu yiri Mwangi.
Kiinyanka saboolka ah ayuun baan aheyn kuwa ka xun guulaha ganacsi ee ay Soomaalida Eastleigh gaareen.
Fred Njoroge oo ah Ganacsade daas ku heysta Mahare ayaa sheegay in baahidu tahay sababta dhabta ah ee keentay boobkii dhawaanta lagula kacay meheradaha Soomaalida ee Eastleigh.
“Kolka ay rabshado dhacaan ayay fursad u helaan in ay wax boobaan”ayuu yiri Fred mar uu ka hadlayay saaxiibadiisa dhaca geystay.
Fred Njoroge oo qudhiisu intii aanu furan dukaanka dhici jiray Soomaaliada ayaa sheegay in uu boobka ka qeybgeli lahaa hadii aanu daaska heysan.
Booliska Kiinya ayaa dedaal ka geystay sidii nabada loo sugi lahaa,balse waxa aad arkeysay iyada oo Ciidamadu ay qudhooda Soomaalida lacago ka qaadayeen.
Dadka boobka geysanayay ayaa inta badan guranayay meheradaha inkasta oo ay jireen dad la weeraray.
Inta badanse waxaad moodeysay in bartilmaansigu ahaa Hantida Soomaalida ee taala xaafada Eastleigh.
Isku soo xooriyoo waxa muuqda in xaaladahu ka sii dari doonaan inta aaney ka soo reyn.
Xiliga doorashada ayaa lagu wadaa in mar kale ay xaaladu cirka isku shareerto.
SDN-Nairobi
contact@somalidiasoranews.com