|

Munaasibadda 17-ka Ramadaan Darteed Oo Ciidamo Tiro Badan La Dhoobay Xarumaha Dawladda ee Muqdisho Iyo Waddooyinka Halbawlaha ah

Muqdisho:July,15,2014(SDN/QJ)-Ciidamo Tiro badan oo iskugu jira Noocyada kala duwan ee Ciidanka Xoogga Dalka Somaliyeed iyo kuwa Nabad-sugidda ayaa lagu daadiyey Afaafka hore iyo Hareeraha Xarumaha Muhiimka ah ee Dawladdu ku leedahay Magaalada Muqdisho.

hegSababta Ciidamada Heegankan loo geliyey, ayaa lagu sheegay inay Maanta tahay 17-ka bisha barakeysan ee Ramadaan, waxayna ku aadan tahay maalintii uu dhacay dagaalkii Badar, oo Muslimiinta ay guul ka gaadhay gaaladii diidaneyd inay qaadato Diinta Islaamka.

Ciidamada Dowladda, ayaa waxaa lagu arkayaa afaafka hore ee Xarumaha Dowladda ee Magaalada Muqdisho, waxayna u diyaarsan yihiin inay fashiliyaan weerarada ay damacsan tahay Al Shabaab.

Ciidanka ammaanka, ayaa waxaa sidoo kale lagu soo daadiyay Isgoysyada iyo Wadooyinka qaar ee Magaalada Muqdisho, si ay u fashiliyaan weerarada ka dhanka ah Magaalada Muqdisho.

Hay’adaha ammaanka ee ka hawlgala Magaalada Muqdisho, ayaa waxay si weyn ula socdaan dhaq dhaqaaqa guud ee Magaalada Muqdisho, maadaama ay weeraro ka iman karaan dhinaca Al Shabaab.

Magaalada Muqdisho waxaa si weyn looga hadalhayaa weerarada laga cabsida qabo, inay maanta ka dhacaan qaybo ka mid ah Magaalada Muqdisho.

Dadweynaha qaarkood ayaa xalayba sii go’aansaday inaanay Guryahooda ka soo bixin, waxana si weyn  loo hadal hayaan suurtagalnimada Weearraro kooxda Al-shabaab ku soo qaaddo meelo gaar ah, maadaama Maalintan ay xagooda ka tahay maalinta ugu khayrka Badan ee Nafta la huri karo.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed