|

Munaasibad lagu Xusayo Maalintii Dhalinta SYL oo Garowe lagu qabtay iyo Madaxweyne Gaas oo ka hadlay

Garowe 15.May 2014 (SDN/QJ)- Munaasibad lagu maamusayo curashada 13-kii dhalinyaro ee SYL isla marksana xornimadda dalka u dagaalamayay ayaa maanta 15-May.2014 lagu qabtay magalada Garowe xarunta Puntland.

 

GAAS iyo SYL2 Madaxwayne Cabdiwali Gaas,musuuliyiinta gollayaasha kale ee dowladda iyo dadwayne aad u faro badan ayaa xuskan oo ka dhacay aqalka Barlamaanka kasoo qayb galay waxana laga soo jeediyay halganki dheeraa ee ay SYL dalka usoo gashay iyo in la raaco wadadii ay mareen.

 

SYL ayaa la aasasay 1943-dii waxana kasoo wareegatay 71-sano dadka ayaa qaba inay dhalinyaradaasi ahayeen kuwo u adkaysan waayay dhibaatadda gumaystihii dalka gacanta ku hayay sidaasi darteedna ay u istaageen sidii xornimo dalka loo wada gaarsiin lahaa.

 

Inta ay munasibadu socotay riwaayaad Tahriibka iyo dhibkeeda ka hadlaysa ayaa lagu soo bandhigay taasoo daliil ah rafaadka iyo silaca ay dhalinyaradda Soomaaliyeed ku sugan yihiin markay dalka ka baxaan.

 

Wasiirka Dhalinyaradda iyo Ciyaaraha Puntland Cabdiraxmaan Shiikh Axmed ayaa fariin hambalyo ah u diray dhalinyaradda Soomaliyeed wuxuna sheegay inay ka go’an tahay sidii wax looga qaban lahaa dhibka ay tabanayaan dhalinta Puntland.

 

Cali Xaaji Warsame oo ah wasiirka waxbarashada Puntland ayaa sheegay dowladda Gaas inay fursado ka hellaan dhalinyaradda isagoona tusaale usoo qaatay gollayaasha deegaanadda Mudug oo dhalinyaro u badan.

Gaas iyo SYLMadaxwaynaha Puntland Dr.Cabdiwali Maxmaed Cali Gaas ayaa sheegay inay muhiim tahay sidii wax looga qaban lahaa xaaladaha kala duwan oo ay dhalinyaradda ku sugan yihiin.

 

”Markaad wadankaaga joogto waxa aad badali karto iyo waxa aad samayn karto ee wanaga ah awood umalihid intaasi oo idil in aad dibada ka samayso,sabab too ah umad kale ayaad la joogta kaana tiro badan,laakin waxa yar ee Puntland aad ka samayso dadkaaga oo idil ayay gaaraysa”Gaas ayaa yiri.

Sidoo kale munaasibado tan la mid ah ayaa maanta lagu qabtay deegaanadda Puntland waxana lagu muujiyay dhalinyaradu inay yihiin awooda dalka balse loo baahan yahay in la garab istaago.

Garowe SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed